Borama News Network

Antonio Guterres: “2.3 Milyan oo ruux ayaa guryo & Xasilooni la’aan ku haysata Rafax”.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa walaac ka muujiyay xaaladda malaayiinta ruux ee reer Falastiin ah ee xaaladaha adag ku wajahaya Rafax iyo Gaza kuwaas oo ay sal kiciyeen ciidamada Yuhuudda ee bartilmaameedsanaya.

Antonio Guterres ayaa sheegay in dad badan oo reer Falastiin ah ay la dhibaataysan yihiin Guryo la’aan iyo Xasilooni darro maadaama aanay jirin damaanad-qaad ay ka haystaan in ay ka badbaadayaan dhibaatooyinka kasoo gaaraya dagaallada.

Guterres ayaa markale cod dheer ku sheegay in loo baahan yahay xabbad-joojin & wadahadal lagu soo afjaro dagaalka daba-dheeraaday ee ka taagan Magaalada Gaza kaas oo galaaftay nolosha dad badan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

“Inta badan Dadka Gaza waa guryo la’aan, qoysaskii barakacay waxa ay ku sugan yihiin Rafax iyaga oo halkaas ku dhibaataysan, xasilooni darro ayay dareemayaan oo dagaalka iyo duqaynta ayaa ku dul socota waa muhiim in xal dhab ah oo degdeg ah loo helo Dadkaan gaaraya 2.3 Milyan oo ruux” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Qoysaska guryo la’aanta haysta waxaa usii dheer cunno la’aan daran oo saamayn taban ku reebtay oo suuragal ay tahay in xaalado macluul ah ay ka dilaacaan Dhulka Falastiin ee Ciidamada Yuhuudda ay duullaanka ku qaadday.

Related posts

Xulka Qaranka Dalka Qatar Oo Markii Labaad Ku Guulaystay Koobka Qaarada Aasiya

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo u Jawaabtay Ilhaan Cumar Oo Ka Hadashay Heshiiskii is-Afgarad Ee Badda

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Siyaasi Cabdiqaadir Jirde

Abdiaziz Bnnstaff