Borama News Network

Sadex Qof Oo Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Weerar Hoobiyayaal Ah Oo Ay Alshabaab Ku Qaaday Magaalada Camaara Ee Gobolka Mudug

Warrarka ka imaanaya magaalada Cammaara ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dhawr iyo toban madfac xalay saqdii dhexe lagu weerarray, kuwaas oo dhaliyay khasaare nafeed iyo kuwa hantiyeedba.

Dhacdada ugu argagaxa badan ayaa qabsatay qoys iyagoo jiifa uu ku habsaday madfac, waxana halkaas ku dhintay aabaha iyo hooyada qoyska, waxana ku dhaawacmay wiil ay dhaleen sida ay BBC-da u sheegeen ehellada qoyskaasi.

Lama soo sheegin dhimasho ama dhaawac kale oo ay geysteen hoobiyayaasha ku dhacay Cammaara.

Saraakiisha ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay soo tuureen madaafiicda ku dhacday Cammaara.

Related posts

Fariinta Wacyigelinta Ee Anshaxa Doorashada Ee Koomishanka Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

“Askari Amar La’aan Iska Gali Kara Goobaha Codbixinta Ma Jiri Karo” Gudoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Guurtida Somaliland Oo Hakiyay Xeerkii Doorashada Ee Madaxwaynuhu Dib Ugu Soo Celiyay

Abdiaziz Bnnstaff