Borama News Network

Haweenay Madaxwayne Dal Ah Oo Ku Dhawaaqday Iscasilaadeeda Xili Si Toos Ah Looga Daawanayay Telefishanada Dalkaasi Iyo Sababta

Madaxweynaha wadanka Hungary Katalin Novak ayaa is casishay iyadoo live uga jirta TV-ga sababbo la xiriirra cafinta la cafiyay nin lagu xukumay in uu qariyay kiiska ilmo yar oo xadgudub galmo lagula kacay.

Arintan ayaa daaha laga rogay todobaad kii la soo dhaafay kaddib markii Madaxweyne Nofak ay soo saartay amar lagu cafinayo nin lagu helay in uu caruurta ku qasbi jiray in ay dib uga laabtaan dacwad la xiriirta xadgudub galmo oo uu kula kacay maamulaha xarun caruurta lagu hayo oo ay maamusho dawladdu.

Dibad baxyo lagu dalbanayay in ay is casisho Katalin Nofak ayaa isa soo tarayay dalka Hungry.

Nofak ayaa raali galin bixisay, waxayna sheegtay in ay qalad ahayd cafinta.

Judit Varga, oo ahayd wasiirka cadaaladda ee ogolaatay amarka cafinta ayaa iyana iska casishay kaalinta ay ku leedahay ol’olaha doorashada yurub ee xisbiga ra’isul wasaare Viktor Orban ee Fidsz.

Dooddan keentay is casilaadda ayaa timid kaddib markii warbaahinta Hungry ay shaacisay magacyada 25 qof oo ay cafisay Nofak bishii April ee sanad kii la soo dhaafay, intii lagu jiray booqashadii Pop Francis uu ku tagay Hungry.

Liiska dadka eedeysanayaasha waxa ku jiray kuxigeenka maamulaha xarunta xanaanada caruurta ee Budapest, kaas oo lagu xukumay 3 sano oo xarig ah kaddib markii uu caruurta ku qasbay in ay ka laabtaan dacwadooda la xiriirta xadgudubyada xagga jinsiga ah ee uu kula kacay maamulaha xarunta.

Maamulaha laftgiisa ayaa lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah kaddib markii uu xadgudub kula dhex kacay caruurta xarun dawladeed.

Xisbiyada mucaaradka Hungary iyo dibad baxayaasha ayaa dalbanayay in ay is casisho Nofak, laakiin go’aanka ay hadda qaadatay ayaa ahaa mid aan la fileyn.

Related posts

“Doorashooyinku Waa Naga Diyaar” Gudoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Somaliland .

Abdiaziz Bnnstaff

Vladimir Putin oo maanta markii 5aad loo dhaarinayo Madaxweynaha Dalka Ruushka.

“Meeshani Maaha Kiro Ee Waa Iib” Garyaqaan Mubaarig Aar Oo Si Adag Uga Hadlay Heshiiskii Itoobiya Iyo Somaliland Fariin Culusna U Diray Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff