Borama News Network

Vladimir Putin oo maanta markii 5aad loo dhaarinayo Madaxweynaha Dalka Ruushka.

Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Talaado ah markii shanaad loo dhaarinayaa xilka Madaxweyne ee Dalkaas kaddib markii uu ku guulaystay doorashadii dhowaan ka dhacda Waddankaan.

Caleema-saarka Madaxweyne Putin ayaa kala qaybisay Dalalka Mucaaradsan tallaadii uu Ukraine ku weeraray iyada oo ay jiraan Dalal ka qaybgalaya xafladdaan maanta ka dhacaysa aqalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlin-ka.

Faransiiska iyo Dalal kale ayaa la ogaaday in ay diblumaasiyiin u dirsadeen ka qaybgalka Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka Vladimir Putin halka Maraykanka, Ingiriiska & waddamo kooban ay diideen.

Warbaahinta Dalalka mucaaradsan Putin ayaa maanta billowday baahinta warar ka dhan ah munaasabaddaas sida in ay sheegaan in Maraykanka iyo Dalal kale oo Yurub dhaca ay iska diideen ka qaybgalka caleema-saarka Madaxweynaha Ruushka.

Moscow weli kama aanay hadlin diidmada ay muujiyeen Dalalka uu ugu tunka wayn yahay Maraykanka ee sheegay in ay iska diideen martiqaadka xafladda Caleema-saarka balse waxaa loo badinayaa in aanay Ruushku casuumin.

Related posts

Hakad ku yimi gargaarkii bini’aadanimo ee la geyn jiray marinka Qaza

Abdiaziz Bnnstaff

“xisbiga Loogada Inooga Badala Oo Garxajis u Bixiya ” Sakariye Nuur Saajin

Abdiaziz Bnnstaff

Sacuudiga Oo Soomaaliya Ku Garab Istaagay Ilaalinta Madaxbannaanida Iyo Midnimada Dhuleed.

Abdiaziz Bnnstaff