Borama News Network

Sacuudiga Oo Soomaaliya Ku Garab Istaagay Ilaalinta Madaxbannaanida Iyo Midnimada Dhuleed.

War kasoo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo looga falceliyay xadgudubkii Itoobiya ay ku samaysay Madaxbannaanida & Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Riyaad ay garab taagan tahay dhiggeeda Muqdisho.

Bayaanka ayaa Itoobiya loogu baaqay in ay joojiso faragelinta ay ku samaynayso Soomaaliya sidaas awgeed xalka uu yahay in la abbaaro dhinaca nabadda oo ah in is ixtiraam ay u wada noolaadaan labadaan Dowladood.

Sacuudiga ayaa tilmaamay in aanay habbooneen xasilooni darro ka dhacda Geeska Afrika sidaas darteed loo baahan yahay in hoos loo dhigo xiisadda iyo dareenka uu salkiisu yahay heshiis-beenaadkii Itoobiya ay shaacisay 1dii Janaayo 2024.

Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa gashay Liiska Dalalka cambaareeyay kana hor yimid xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay madaxbannaanida & midnimada Dhuleed ee Soomaaliya kaddib markii ay shaacisay heshiis-beenaad ay la gashay Muuse Biixi Cabdi.

Related posts

Muxuu Yahaya Mawqifka Urur Siyaasadeedka Kaah Ee Ku Saabsan Heshiiska Badda Ee Somaliland Iyo Itoobiya?

Abdiaziz Bnnstaff

Xubin Ka Tirsan AS Oo isku Soo Dhiibay Ciidank Xoogga Dalka

Abdiaziz Bnnstaff

Israel oo ka cadhootey in Mareykanku ka difaaci waayey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey

Abdiaziz Bnnstaff