Borama News Network

Maraykanka Oo Si Adag U Cambaareeyay Weerarkii Xalay Ka Dhacay Xerada Ciidanka Ee Gen Gordan Ee Muqdisho

War lagu daabacay barta X ee safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa si adag lagu cambaareeyay weerarka xerada Janaraal Goordan oo ay ku sheegeen in uu ahaa mid fuleynimo ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Maraykanku u tacsiyadeynayo ehellada tababarayaashii ciidamada Imaaraadka iyo askarta Soomaalida ah ee lagu dilay weerarka argagxiso ee ka dhacay xerada Goordan.

Maraykanka ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee nabad dhiska.

Nin hubeysan ayaa xalay xerada Janaraal Goordan guduheeda rasaas ooda uga qaaday saraakiisha imaaraadka iyo ilaaladooda, waxana halkaas ku dhintay 3 Imaaraadka u dhashay iyo askari ka tirsan ciidamada Baxrayn, waxana ku dhaawacmay 2 kale oo ka tirsan tababarayaasha milatari ee Imaaraadka ah.

Barta X ee Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho

Related posts

Al-shabaab oo culimo Dariiqada Suufiyada ah ka afduubtay Laanta Buuro

Abdiaziz Bnnstaff

Deg‐deg : Gadabuursaw ,Gumaysigiina ku nooolaada, Xildhibaanadiina hala xidho idinkuna Muuse u Xoolo u qala ” Xildhibaan Maydhane Oo Si Adag U Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

”Madaxweynihii Yimaadaba Amarkiisa weynu Qaadanaynaa” Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan

Abdiaziz Bnnstaff