Borama News Network

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo war kasoo saaray dhexdhexaadin ay u wadeen Deni iyo Xasan Sheekh

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen laba madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayey ku sheegeen in uu “mira dhali waayey” dedaal ay ku dhexdhexaadinayeen Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud iyo Siciid cabdullaahi Deni.

“Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo uu soo dhigay boggiisa Facebook.

Nuqul kale oo isla qoraalkan ah ayaa lagu daabacay bogga Facebook ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa jiray dhexdhexaadin ay ka odayeynayeen labadan madaxweyne ee hore oo ku aadanaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dawladda fedaraalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland.

Related posts

Waxaynu U Baahanahay Halgan” Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka Kaah Cabdilaahi Dheere

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay Kaga Hadashay heshiiskii Ay La Gashay Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Ingiriiska oo war kasoo saaray tahriibayaasha doomaha yaryar ku gala dalkaas

Abdiaziz Bnnstaff