Borama News Network

Toogasho Ay Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacday Dalka Mareykanka Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Toogashadaasi

Hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay ugu yaraanna ay 22 kale ku dhaawacmeen kaddib marki rasaas oodda loogaga qaaday taageerayaal isugu soo baxay bartamaha magaalada Kansas ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka.

Dadka la rasaaseeyay ayaa u badnaa taageerayaasha kooxda ciyaarta kubbad-tuurka Mareykanka eee Arbacada maanta ah, taageerayaal u dabaal-dagayay guushi ay kooxda Kansas City Chiefs ay todobaadkaan kasoo hoysay Koobka NFL ee Kubad-tuurka Mareykanka.

Taliyaha Booliska magaalada Kansas, Stacey Graves ayaa gelinki danbe ee Arbacadi wariyaasha u sheegtay, in weerarkaasi loo xiray ilaa iyo saddex qof kuwaas oo hadda la baarayo.

Graves waxay sheegtay in aanan wali la ogeyn sababta ka danbeysa weerarka rasaasta loo adeegsaday ee shalay gelinki danbe ka dhacay magaalada Kansas ee dalka Mareykanka.

22 ka qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay ku jiraan ugu yaraan 15 qof oo ay xaaladdooda aad u liidato. Sidoo kale 8 carruur ah la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen toogashada ka dhacday Kansas City.

Related posts

Cabdiraxman Ciro Waa Miskiin Oo Xirsi Baa Wata Xirsina Waad Garanaysaan” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff

Booliiska Soomaaliya oo 6 ruux u xiray Dil Muqdisho loogu gaystay mid kamid ah shaqaalaha Hay’adda Duulista Raydka.

Abdiaziz Bnnstaff

Xilka Madaxwaynenimo Een Doonayo Waan U Soo Tuunbo Raacay” Murashax Cabdiraxman Ciro

Abdiaziz Bnnstaff