Borama News Network

Isreal Oo Duulaan Culus U Abaabulaysa Goobta Kaliya Ee Gabaadka U Ahayd Shacabka Reer Falastiin

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeystay in uu ciidamadiisa u diray magaalada Rafax ee ku taalla marinka Gaza, isaga oo dhaga ka furaystay dhamaan baaqyadii ku aadanaa in uusan weerarin halkaas ee loo diray.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa kamid ah hugaamiyaasha ka digay in Natenyahu uu halkaas u diro ciidamadiisa, isaga oo sheegay in nafaha auu galafano weerarka Israa’iil ee Gaza ay tahay ‘wax aan loo dul qaadan karin’.

Netanyahu ayaa amray ciidamadiisa in ay isku diyaariyaan weerar dhinaca dhulka ah oo ay qaadaan.

Ilaa iyo 1.4 malyan oo ruux oo Falastiiniyiiin ah ayaa gabaadsanaya Rafax, oo horay ula dhibaneed duqaymaha Israa’iil.

Natanyahu ayaa wacad ku maray in uu qaadayo weerar ba’an, isaga oo shaaciyay in Xamaas laga tirtiro magaaladaan ku taalla koonfurta Gaza.

Related posts

Deg Deg: Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Waaran Soo Qabasho Ah U Jartay Madaxwayne Axmed Madoobe

Abdiaziz Bnnstaff

“Jabhaddii Buurta Gacan Libaax Gashay Waxay Ahaayeen Innamo Dayacmay” Siyaasi Dhoola Yare

Abdiaziz Bnnstaff

Heshiisyada ay kala saxiixdeen Soomaaliya & Kenya muxuu kusoo kordhin karaa cilaaqaadka labada Dal?