Borama News Network

Heshiisyada ay kala saxiixdeen Soomaaliya & Kenya muxuu kusoo kordhin karaa cilaaqaadka labada Dal?

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa heshiisyo dhowr dhinac ka kooban ku kala saxiixday Magaalada Nairobi waxaana kamid ah Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada & kuwo kale si ay hadalka u dhigeen mas’uuliyiinta labada Dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heshiiskaan uu yahay mid dhaxalgal u ah labada Dal ee Xad-wadaagga ah.

Fiqi ayaa tilmaamay in ay sii soconayaan kulamada mas’uuliyiinta labada Waddan iyada oo sanadka soo socda ee 2025ka uu qabsoomi doonno kulan lamid ah kan xalay lagu shaaciyay heshiiskaan ay wadagaleen Xukuumadaha Muqdisho & Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo maalintii labaad ku sugan Nairobi ayaa lagu wadaa in uu la kulmo madaxda Dalkaas iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku nool si ay ugu kala xog-qaataan xaaladda iyo xiriirka.

Related posts

Macalinkii Lagu Dhex Dilay Iskuulka Oo Maanta Lagu Aasay Duleedka Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Diyaarad Siday Ciidan Maraykan Ah Oo Dhacday Iyo Saraakiil La La’yahay

Abdiaziz Bnnstaff

Masuul Ka Tirsan Xukuumada Itoobiya Oo Shaaciyay In Gudaha Dalkaasi Ay Macluul Ugu Dhinteen Dad Gaadhaya 400 Oo Qof

Abdiaziz Bnnstaff