Borama News Network

Xamaas oo aqbashay heshiiska lagu gaarayo xabbad-joojinta Iyo Israaiil oo diiday.

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa ku dhawaaqay in uu aqbalay heshiiska lagu gaarayo dhabbaha xabbad-joojinta ee garwadaynku ka yihiin Dalalka Carbeed ee Qatar iyo Masar si loosoo afjaro xabbadda ka socota Bariga Dhexe.

Xamaas ayaa sheegtay in aanay marnaba diidaneen xabbad-joojin balse ay kasoo horjeeddo qorshaha ka imaanaya dhinaca Yuhuudda si ay uga waji-meerato guuldarrada iyo jabka culus ku gaaray dagaalka soo billowday 7dii Oktoobar 2023.

Israaiil ayaa si cad u diiday go’aanka Xamaas ee aqbalidda heshiiska lagu dhalinayo xabbad-joojinta waxaana ay ku doodday in weli howshu tahay mid qabyo ah oo aanay lagu dhex arkin shuruudaha ay dhankeeda wadato.

Yuhuudda oo ergadii ay dirsatay jahwareer ku dhacay ayaa billowday in ay adeegsato diblumaasiyiin sare oo Dalalka xulufada la ah u dhashay sida Maraykanka si loo gaaro heshiis ay uga gacmo baxsanayso dhiigga ay diiday iyo kan laga daadiyay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horay usoo jeediyay xabbad-joojin iyo waan-waan lagu soo afjaro dagaallada aan dhammaadka lahayn ee dhaliyay xaaladaha adag balse Yuhuudda ayaa diidan oo ku doodaysa in loosoo daayo Maxaabiista laga haysto.

Related posts

Hoggaamiyaha Xamas Oo Tacsi Ugu Tagay Sheekh Cabdirashiid cali Suufi

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Faahfaahiyay Waxayaabihii Lagaga Wada Hadlay Kulankii Muuse Biixi Iyo Faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff

“Dhulbahante Reer Somaliland Ayaa Ku Kala Dhex Jirtay” Maxamed Muuse Diriye.

Abdiaziz Bnnstaff