Borama News Network

Baarlamaanka Israaiil Oo Ku goodiyay in uu xilka ka qaadayo Xildhibaan qiray in Ciidanka Yuhuudda ay xasuuq u gaysteen Falastiin

Baarlamaanka Israaiil ayaa go’aan ka gaaraya qorshaha lagu eryayo Xildhibaan Cassif oo saxiixay warqadda caddaynta ah ee Yuhuudda ku marqaati kacaysa in ay xasuuq ka gaysatay Dhulka Falastiin kaddib soo jeedintii Koofur Afrika ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ.

Xildhibaankaan ayaa kamid ah xubnaha Xisbiga Hadash-Ta’al waxaana horraantii Bishii Janaayo 2024 uu Saxiixay soo jeedin ka timid Dalka Koofur Afrika ee dacwadda Xasuuqa Israaiil ay u gaysatay Falastiin kaas oo loo gacan-geliyay Maxkamadda ICJ.

Dood badan ayaa ka taagan go’aanka Baarlamaanka ee Xildhibaankaas, dadka difaacaya ayaa ku doodaya in uu xaq u leeyahay soo jeedintiisa maadaama Ciidamada Israaiil dagaallada ay ku jiraan aanay jirin wax natiijo ah oo laga gaaray.

Xildhibaannada Muxaafadka ah ayaa soo jeediyay in la xiro oo tallaab adag laga qaado Xildhibaankaas sabab la xiriirta in uu dalkiisa madaxa u geliyay dambi culus oo saamayn taban ku reebaya mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Related posts

” Waa In Gacanta Lagu Soo Dhigaa Dadkii Ka Dambeeyay Shaqaaqadda Ceerigaabo” Madaxda Dhaqanka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

“Kulmiye Haddii uu Xildhaanadiinii Xidhay Reer Awdal waxaan leeyahay Gacantii isku dhaafiya”

Abdiaziz Bnnstaff

“Todoba Sano Hooyada umushaa ilmaheeda Muuse uma bixiso waa muuse bixi ayay xasuusataa”Caaqil Afqaloocshe

Abdiaziz Bnnstaff