Borama News Network

Booliiska Soomaaliya oo 6 ruux u xiray Dil Muqdisho loogu gaystay mid kamid ah shaqaalaha Hay’adda Duulista Raydka.

War kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen 6 ruux oo ku eedaysan Dil loo gaystay Allaha u naxariistee Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan oo kamid ah Shaqalaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Qoraal lasoo dhigay barta Facebook-ga ee Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkooda uu dhacay kaddib markii lagu soo wargeliyay in Marxuum Cabdinaasir Muuse Maydkiisa uu yaallo guri ku yaalla Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Waaxda uu sida gaar ah uga dhacay waa Janaraal Daauud gaar ahaan Xaafadda Ceel-Qalow waxaana baaris lagu hayaa Dadka uu soo qabtay Booliiska Soomaaliya kuwaas oo haatan wajahaya dabagal lagu sameynayo si looga dabatago kiiska Dilka ah ee loo haysto.

“Abaare 06:30 PM ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaala Waaxda Janaraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow. Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, Ina Mako Nuur Dhimbil 32 Jir ahaa ku dhashay Gebiley waqooyi-Galbeed, Deganaa Degmada Wadajir, kana shaqeyn Jiray Hey’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska Soomaaliya.

“Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray, ayaa bilaabay baaritaano la xariira dhacdada. waxaana gacanta Boliiska hada ku Jira ilaa 6 eedeysane iyo cadeymihii goobta loogu tagay, waxaa socda baarista kiiskan wixii ku soo kordha dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.

Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacan adag ku qabanayaan Dadka ka shaqaynaya falalka ammaanka liddiga ku ah waxaana xiran Dad badan oo kiisas kala duwan oo dhammaan Amniga hoostaga loo haysto.

Related posts

Dal Africaan Ah Oo Dal Kale Oo Yurub Ah Ugu Hanjabay In Uu Diri Doono 20 Kun Oo Maroodi Ah Iyo Sababta

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Iran Oo Wacad Ku Martay In Ay Aar Gudanayso Iyo Talaabooyinka Ay Qaadayso

Abdiaziz Bnnstaff

Toogasho Ay Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacday Dalka Mareykanka Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Toogashadaasi

Abdiaziz Bnnstaff