Borama News Network

Dowlada Iran Oo Wacad Ku Martay In Ay Aar Gudanayso Iyo Talaabooyinka Ay Qaadayso

Iran ayaa balan qaaday in ay ka jawaabi doonto weerar lagu qaaday qunsuliyada ay ku leedahay magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya, kaasoo ay ku eedaysay Israel.

Safiirka Iran ee Dimishiq, Hossein Akbari, ayaa Israa’iil ku eedeeyay weerarrada, isagoo xusay in dhismaha “lagu bartilmaameedsaday lix gantaal oo laga soo riday diyaaradaha dagaalka ee Israel ee F-35.” sida ay sheegtay Wakaalada wararka ee Syrian Arab News Agency.

Akbari waxa uu sheegay in weerarka Israa’iil uu ka soo horjeedo dhammaan sharciyada caalamiga ah Iran ay noqon doonto mid go’aan ka gaarta jawaabteeda.

Todobo sarkaal oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa lagu dilay weerarka, oo ay ku jiraan taliyayaasha sare ee Iran Mohammed Reza Zahedi iyo Mohammad Hadi Haji Rahimi, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Iran.

“Tani waa laga yaabaa inay tahay markii ugu horreysay oo taliska Sahyuuniyadda uu weeraro dhismaha rasmiga ah ee safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, kaasoo uu ka dul babanayey calanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah,” ayuu yiri.

“Iran waxa ay ilaalinaysaa xaqa ay u leedahay in ay qaado tillaabooyin isdifaac ah waxayna go’aamin doontaa nooca jawaab celinta iyo ciqaabta ka dhanka ah gardarada,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Nasser Kanaani.

Milateriga Israa’iil kama faalloon weerarka Dimishiq, laakiin afhayeen u hadlay militariga ayaa sheegay in goobta la weeraray aysan aheyn safaarad ama qunsuliyad.

“Sida ay noo sheegeen sirdoonka, meeshani qunsuliyad ma ahan, safaaradna ma ahan, waa dhismo ciidan oo ay leeyihiin ciidamada Quddus oo loo ekeysiiyay dhismo rayid ah oo ku yaala Dimishiq” ayuu yiri Adm. Daniel. Hagari oo wareysi uu siiyay CNN.

Related posts

Dowlada Kenya oo dalal kale oo Afrikaan ah ka dhaaftay khidmada dalkugalka bilaashka ah

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Biixi Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo, Ayaa Safar Shaqo Ugu Ambo Baxay Dalka Ethiopia.

Abdiaziz Bnnstaff

“Niman kii Buurta Gacan libaax galay Haddii hawshooda la Dhameeyey Darawalna Waxaan. Ururka Waaberi

Abdiaziz Bnnstaff