Borama News Network

Madaxda aan diyaaradaha ka dagin ee Afrika iyo lacagaha ku baxa safaradooda

Tan iyo markii madaxweynaha Kenya iyo kan Nigeria Bola Tinuba ay noqdeen xilka qabteen, waxay la kulmayaan dhaleecayn oo ku saabsan safarada joogtada ah ee ay dibadda ugu baxaan.

Labadaan nin waxay noqdeen kuwo laga bixiyo qeexitaanno aan qurux badnayn – eedaymaha la xidhiidha jeclaysigooda safarka hawada ah waxay ka badan yihiin kuwa xaaladdaha cakiran ee dhaqaale ee dalka gudahiisa ka jira.

Warsidaha kasoo baxa dalka Kenya ee Standard ayaa madaxweyne Ruto ku naanaysay ‘Madaxweynaha duulaya’ waxuuna qoray wargeysku “Jacaylku uu u qabo safarka cirka ah waxuu u muuqdaa xitaa in uusan lumin karin fursad kasta oo uu heli karo” waloow uu xoogga saarayo dalabaadka gudaha, sida wax ka qabashada sare u kaca nolosha.

Bishii lasoo dhaafay, iyadoo madaxweyne Tinubu safar kale ku tegay Yurub, hogaamiyaha mucaaradka Nigeria Atiku Abubakar ayaa baraha bulshada ka sheegay in Nigeria aysan u baahnayn “Dalxiise taliya”. Wuxuu dhaleeceeyay safarkan gaarka ah ee madaxweynaha iyadoo siduu sheegay “ay Nigeria dhex makhuuranayso, badweyn amni-darra ah”.

Siyaabaha qaarkood tan waxaa loo arki karaa dhaleecayn raqiis ah, taas oo uu adeegsan karo eedeeye kasta. Madaxweyneyaashu waxay u baahanyahiin in ay tagaan shirarka madaxda dowladaha si’ay u xoojiyaan xidhiidhka shisheeye. Sababo diblumaasiyadeed dartood oo kaliya muhiim uma aha , laakiin sidoo kale waa kuwo dhaqaale oo maalgashiyo dalku ka faa’iido keenaya.

Laakiin dadka qaar ayaa tilmaamay in madaxweynahii hore ee Tanzania John Magufuli uusan waligiis u safrin meel ka baxsan Afrika lixdii sano ee uu xilka ku fadhiyay.

Falanqeeyaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya Borofeesar Macharia Munene ayaa qiray in safarada qaar ay lagama maarmaan yihiin, balse sidoo kale kuwo kale oo shaki la’aan gabi ahaanba khasaare ah in ay jiraan.

“Waxaad leedihiin madaxweynayaal jecel in ay hawada galaan…Safarradan qaarkood waa isweynaysiin shakhsi ah, wax badanna uma hayaan dalka,” ayuu u sheegay BBC-da.

Afhayeennada labada madaxweyne ee Kenya iyo Nigeria waxay difaaceen in safaradoodu ay yahiin kuwo muhiim ah iyo in ay waxka qabtaan dhibaatooyinka lagu eedeeyay in ay iska indh-tiraan.

Siddeedii bilood ee tan iyo markii uu xilka la wareegay, Madaxweyne Tinubu waxa uu sameeyay 14 safar – celcelis ahaan waxa uu ka yar yahay laba bishii – laakiin tani waxaa ka sara maray Mr Ruto, oo ilaa 50 safar dibadda ah u baxay tan iyo markii uu noqday madaxweynaha 2022 – celcelis ahaan in ka badan saddex safar bishiiba.

Marka la barbardhigo, Madaxweynihii ka horreeyay Ruto, Uhuru Kenyatta, waxaa uu tobankii sano ee uu xilka hayay, celcelis ahaan galay bishiiba hal safar oo dibadda ah, si la mid ah taariikhdii Madaxweynihii hore ee Nigeria, Muhammadu Buhari, inkastoo marka la eego wadarta maalmaha uu dibadda ku maqnaa, farqigu uusan ahayn wax sidaas u badan.

Bishii Agoosto wuxuu booqday Benin, iyo Sebtembar Hindiya, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Mareykanka oo uu ka qeyb galay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ka hor inta uusan ku laaban Paris.

Waxa uu hoy u ahaa Oktoobar oo dhan dalkiisa ka hor inta uusan dib u bilaabin safarro uu ku tagay Saudi Arabia, ka dibna dhammadkii November Guinea-Bissau iyo Jarmalka ka dib wuxuu u safray Dubai.

Madaxtooyada Nigeria ayaa sheegtay in safarradan ay muhiim u yihiin soo jiidashada maalgashiga shisheeye.

“Safar kasta oo dibadda ah oo aan galay, fariinteyda ku socota maalgashadayaasha iyo ganacsatada kale waxay ahayd mid isku mid ah. Nigeria waxay diyaar u tahay oo u furan tahay ganacsi,” ayuu Madaxweyne Tinubu ku yiri farriintiisa sanadka cusub ee 2024.

Hogaamiyayaasha kale ee caalamka ayaa sidoo kale kor u qaaday safarkooda hawada sare, laakiin Mr Ruto iyo Mr Tinubu ayaa wajahaya su’aalo ku saabsan in safar kastaa uu muhiim yahay iyo in kale.

Hogaamiyayaasha Nigeria iyo Kenya ayaa labaduba ku sugnaa Yurub dhammaadkii bishii hore – Mr Ruto oo ku sugan dalka Talyaaniga oo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedka Talyaaniga iyo Afrika, halka Mr Tinubu uu sii watay “booqashadiisa gaarka ahayd” ee Faransiiska, waana markii saddexaad oo uu dalkaas tago tan iyo markaa tan iyo bishii May ee la soo dhaafay. Sidoo kale, Mr Ruto waxa uu isna ku maqnaa safarro kale.

Bishii Juun 2023, saddex toddobaad uun ka dib markii uu xafiiska qabtay, Mr Tinubu wuxuu u safray Paris shir-madaxeedka cimilada oo laba maalmood ah. Waxa uu hore u joogay bilo ka hor “si uu u nasto” oo uu u qorsheeyo kala guurka wax yar ka dib markii loo doortay madaxweynaha.

Kadib waxa uu u aaday UK si uu wadahadalo gaar ah ula yeesho madaxweynihii isaga ka horreeyay, kaas oo sidoo kale u safray inuu “nasto” doorashada ka dib. Toddobaad ka dib, Mr Tinubu waxa uu aaday Guinea-Bissau oo uu shir kula yeeshay ururka Galbeedka Afrika ee Ecowas, ka dibna safar uu ku tagay Nairobi.

Jadwalka socdaalka Mr Ruto tan iyo markii xilka loo magacaabay 2022 kii ayaa ahaa mid aad u xamaasad badan. Intii u dhaxaysay bishii Sebtembar ee sannadkaas iyo bishii December ee ina dhaaftay waxa uu dibadda u baxay ugu yaraan laba jeer bishii. Bishii Maajo 2023 wuxuu sameeyay shan safar. Waxa uu safaro kala duwan ku tagay dalal kala duwan oo Afrikaan ah, Yurub iyo Maraykanka oo uu ka soo qayb galay dhacdooyin caalami ah iyo kulamo laba geesood ah.

Sannadkan, bishii Janaayo, wuxuu ku sugnaa Uganda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Talyaaniga. Horaantii bishaan, Madaxweyne Ruto wuxuu tagay Japan iyo UAE.

Su’aashu keliya ma’aha cadadka tirada, ee waxay su’aal ka taagantahay kharashka ku baxaya safarada.

Mr Tinubu ayaa la sheegay in ugu yaraan 3.4 Bilyan oo lacagta naira ah oo u adhiganta ($2.2m; £1.8m) uu ku bixiyey safarrada gudaha iyo dibadda lixdii bilood ee ugu horreysay ee uu madaxweynaha ahaa – 36% in ka badan miisaaniyadda loo qoondeeyey 2023, sidaas waxaa qoray wargeyska Punch ee Nigeria ka soo baxa. Iyadoo laga tixraacayo barta GovSpend, oo ah madal teknoolojiyadda madaniga ah oo la socota kharashaadka dowladda.

Kenya, Kormeeraha Miisaaniyadda, oo ah xafiis madax-bannaan oo kormeera kharashaadka dowladda, ayaa muujiyay koror weyn oo ku yimid kharashka socdaalka ee xafiiska madaxweynaha illaa bishii Luulyo ee sannadkii hore – oo ay ku jirtay sagaal bilood oo madaxweyne Ruto xilka hayay.

Guud ahaan kharashaadka ku baxay safarrada gudaha iyo dibadda ee sanadka ayaa ka badnaa 1.3 Bilyan oo shilinka Kenya ah ($9.2m; £7.3m), taasoo ka badan miisaaniyada socdaalka ee sannadkii hore in ka badan 30%. Afhayeenka dowladda Kenya ayaana wax jawaab ah ka bixin su’aalaha BBC-da ee ku saabsan safarrada Mr Ruto, inkastoo madaxweynaha iyo afhayeenku ay marar badan cudur daar ka bixiyeen.

Mr Ruto ayaa laftirkiisa sheegay in uusan u socdaalin sida dalxiiska oo kale safaradana ay lagama maarmaan u yihiin in la helo maalgashi shisheeye iyo in shaqo abuur loo sameeyo shacabka Kenyaanka ah ee dibadda jooga – waxa uu dhawaan sheegay in uu wada xaajood ku helay in ka badan 300,000 oo fursado shaqo ah. Kadib safarkii ugu dambeeyay ee uu ku tagay dalka Japan, Mr Ruto ayaa sheegay in uu ku guuleystay heshiisyo ku kacaya in ka badan $2.3 Bilyan oo Doolar.

Iyagoo carabka ku adkeeyay faa’iidooyinka safarada madaxweynaha ayaa labada ee Nigeria iyo Kenya waxay sidoo kale qaadeen tallaabo ay kaga hortagayaan dhaleeceynta shaqaalaha dowladda ee u safraya dibadda. Kenya ayaa sheegtay inay 50% ka jartay miisaaniyada socdaalka shaqaalaha rayidka ah, kadib markii lagu eedeeyay “khasaare” safarada gudaha iyo dibadda. Laakiin arrintan ayaa u muuqata mid aan saamayn ku yeelanayn madaxweynaha laftiisa oo sheegay in aanu ka baaqsan doonin safarrada inta ay faa’iido u leeyihiin.

Bishii la soo dhaafay, madaxweynaha Nigeria wuxuu ku dhawaaqay dhimista wafdiga rasmiga ah ee socdaalka qiyaastii 60%. Awaamiirta uu ku dhawaaqay afhayeenkiisa Ajuri Ngelale ayaa waxaa ka mid ahaa in la dhimo dadka safarka ku wehlin doona madaxweynaha, balse ma uusan sheegin in uu dhimi doono tirada safarradiisa iyo in kale.

Related posts

Shir Looga Hadlayo Mashaariicda Bankiga Hormarinta Afrika Oo Maalintii Labaad Galay

Abdiaziz Bnnstaff

” Talada Suldaanka Suber Awal Way Inaga Wada Dhaxeysaa …” Siyaasi Cabdiqaadir Jirde Oo Fariin Adag U Diray Dhaqanka Beelaha Subeer Awal

Abdiaziz Bnnstaff

“Xeerku sharci ahaan madaxweynuhu horyaalaa, waxaana la gudboon..” Garyaqaan Xamdi Khaliif

Abdiaziz Bnnstaff