Borama News Network

Qoomiyada Oramada Ee Dalka Itoobiya Oo Doortay Ugaas Cusub

Madax dhaqameedka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa xilka ku wareejiyay xaflad aad u qurux badan oo lagu qabtay Me’ee Bokkoo oo qiyaastii 450km dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Jiloo Maandhoo oo 8-dii sano ee la soo dhaafay ahaa Hogaamiyihii Qoomiyada-ama Abbaa Gadaa- ayaa gogoshii u dhiibtay Jaarsoo Dhugoo oo noqon doona Hogaamiyihii 75-aad.

Xafladda awood wareejinta ayaa ka socota goob dhaqan oo ku taalla koonfurta Itoobiya, waxayna soconaysaa muddo toddobaad ah. Waxaana ka soo qayb galay kumanaan qof oo ka kala yimid gobolada dalka.

Nidaamka maamul ee wadaniga ah ee loo yaqaan Gadaa ayaa dadka Oromada ah ay ku dhaqmi jireen qarniyo badan, waxayna UNESCO u diiwaan gelisay dhaqan dhaqameed aan la taaban karin oo biniaadanku leeyahay.

Marka loo eego haldoorka bulshada reer Guji, nidaamkan dawladnimo ee qadiimiga ah ee dhaqan-siyaasadeed waxa uu bilaabmay qarnigii 15-aad ilaa haddana waxa uuu socday si aan kala joogsi lahayn.

Mr Dhugoo ayaa xilka hayn doona 8-da sano ee soo socota.

Oromada waa qowmiyadda ugu badan dalka Itoobiya.

Related posts

Xasan Cali Kheyrre”Dastuur Cusub Oo Aan Heshiis Lagu Ahayn Ayaa Loo Qorayaa Bulshada Soomaaliyeed”

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynihii Hore Ee Somaliya Farmaajo Oo Maanta Ku Waajaha Magaalada Garoowe Iyo Ujeedada Safarkiisa Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo:- Warayso Xasaasiya Oo Uu Laga Qaaday Boqor Buurmadaw Iyo Su’aalo Layaab Leh Oo La Waydiiyay

Abdiaziz Bnnstaff