Borama News Network

Baarlamaanka Somaliya Oo Maanta Ka Doodaya Wax Ka Bedelka Dustuurka Dalka

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Cali Shacbaan Ibraahim iyo oo ay weheliyaan ku xigeennada Labada Aqal ayaa shirguddoomiyay kulanka 17-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista soo jeedinnada wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, Cutubka 2-aad Xuquuqda asaasiga ah iyo waajibaadka Muwaadinka.

Ugu horrayn, Guddoonka Guddiyada u xilsaaran dib u eegista Dastuurka ayaa Xildhibaannada iyo Senatorrada Labada Aqal BJFS la wadaagay warbixin soo koobaysa sagaalkii qodob ee cutubka koowaad ee Dastuurka KMG ah ee ka doodistoodu ay soo gaba gabowdat, isla markaana soo bandhigay warbixin uruursan oo soo koobaysa nuxurka aragtiyadii Sanatarradii iyo Xildhibaanadii fikirkoda dhibtay.

Intaas ka dib Xildhibaannada iyo Senatorrada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib eegista Dastuurka oo ay ugu horreeyaan arrimaha diinta, Xuquuqda aasaasiga ee muwaadinka Soomaaliyeed sida xorriyad hadalka iyo Sinnaanta oo ay si daah furan uga aragti dhiibteen.

Dhinaca kale, Xildhibaannada iyo senatorradu ee waxay go’aan Baarlamaan oo wadajir ah ku meel mariyay in Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan lagu taageero murashaxnimadeeda tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) loogana jaro Xildhibaan kasta shan bqol oo dolar.

Related posts

Kamala Harris oo wacad ku martay inay soo gaba-gabeyn doonto dagaalka Qasa iyadoo laba maalmood ay ka hartay doorashada

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Shir Muhiim Ah Oo Uu Kaga Qayb Galiya Dalka Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Kenya:- Dad Siday Raashin Ay Doonayeen In Ay Iib Geeyaan Oo Nolosha Lagu Gubay

Abdiaziz Bnnstaff