Borama News Network

Maraykanka iyo Ingiriiska oo weerarro cusub oo xagga cirka ah ku qaaday Yemen

Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaraddaha dagaalka ee Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska ay weerarro cusub oo xagga cirka ah ku qaadeen, bartilmaameedyo ku yaala dalka Yemen, kuwaas oo ay leeyihiin xuutiyiintu.

Maraykanka ayaa sheegay in weerarradii dhacay habeenimadii Sabtida lala eegtay kaydadka hubka, kuwa diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa qumaatiga u kaca ee ururka xuutiyiinta Yemen.

Ingiriiska ayaa sheegay in talaabada isbahaysigu qaaday looga gol leeyahay, sidii loo dhimi lahaa awoodda kooxda xuutiyiinta.

Waxa jiray weerarro is xigxigay oo kooxdan ay Iiraan taageerto ay ku qaadayeen, maraakiibta ganacsi ee maraya, marin biyoodka muhimka ah ee Badda Cas.

Xuutiyiinta oo maamula dhul balaaran oo dalka Yemen ah oo ay ku jirto caasimadda Sanca, ayaa bartilmaameed sanayay maraakiib ay la xiriirinayeen Israa’iil iyo wadamada reer galbeedka, iyagoo kaga jawaabaya dagaalka Israa’iil ee Qasa.

Isu gudubka badeecaddaha dunida ayaa dhibaato wayni la soo gudboonaatay, waxana kordhay qiimaha alaabuhu ku kacayaan, iyadoo maraakiib badan ay ka leexdeen marinadii ay mari jireen, una wareegeen marino waqti iyo shidaal badanba uga baxayo.

War wadajira oo labada wadan ay soo saareen ayay ku sheegeen in weerarrada cusub lagu bartilmaameed saday 18 xarumood oo ay leeyihiin xuutiyiintu, kuwaas oo ku yaala 8 goobood oo kala duwan oo dalka Yemen ah.

Related posts

Agaasimihii Haayada Sirdoonka Somaliya Oo Xilka Laga Qaaday Iyo Xildhibaan Sanbaloolshe Oo Loo Magacaabay

Abdiaziz Bnnstaff

Qarax Xogan Oo Ka Dhacay Caasimada Dalka Kenya Iyo Dowlada Kenya Oo War Ka Soo Saartay Qaraxaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Goob ay ku shirayeen Madaxweyne & Raisul Wasaare caan ah oo la duqeeyey

Abdiaziz Bnnstaff