Borama News Network

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Wasiiru dowlaha gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga ee dowladda Ingiriiska James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta Ciidamada iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Dhankiisa, Wasiiru dowlaha gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska James Stephen ayaa xusay sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.

Related posts

Deg Deg Gudigii Kaambiinka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal oo hada iscasilay

Mustafe haji

Taliska Ciidanka Somaliland Ee Aaga Bari Oo Tacsi Diray

Abdiaziz Bnnstaff

Tirada Shacabka Qaza Ee Ay Laysay Yuhuudo Oo Madaxa La Galay 30 Kun Oo Qof

Abdiaziz Bnnstaff