Borama News Network

Nin dab isku qabadsiiyey afaafka hore ee Safaaradda Israa’iil ee ku taalla Washington

Sida ay masuuliyiintu sheegeen nin ayaa xalay dab isku qabadsiiyay banaanka Safaaradda Israel ay ku leedahay Magaaladan Washington. Ninkan oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa shaqaalaha gurmadka caafimaadka waxay ula carareen Isbital Washington ku yaala, ka dib markii ciidamo ka mid ah kuwa Secret Service ee ilaaliyaha madaxda iyo diplomaasiyiinta ay damiyeen dabkii uu isqabadsiiyay.

War kooban oo waaxda dab demiska ee magaaladan Washington ay soo dhigeen internetka ayey ku sheegeen in xaaladda ninkaasi ay halis tahay. Ciidamada Booliska ee magaaladan Washington iyo kuwa ilaalada madaxda iyo diplomaasiyiinta ayaa baaris ku haya dhacdadan.

Safaaradda Israel ayaa xilliyadan dambeba bar tilmaameed u aheyd dibad baxyo joogto ah oo iska soo horjeeda oo ku aaddan dagaalka Israel iyo Xamaaz ee Qaza.

Debedbaxyadan iska soo horjeeda ayaa Maraykanka ka dhacayay tan iyo bishii October 7-deedii, ka dib markii Xamas ay gudaha u gashay Israa’iil, kuna dishay 1200 oo qof 253 kalena ay ku qafaalatay.

Wixii markaa ka dambeeyay Ciidamada Israel ayaa duulaan ku qaaday Qaza, iyagoo inta baddan magaaladan burburiyay, iyagoo dilay sida saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiintu ay sheegeen dad ku dhow 30,000 oo qof.

Related posts

Shacabka Magaalada Lughaya Oo Quriga Qaatay Wacadna Ku Maray In Ay Badooda Difaacanayaan

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladda Federaalka Somaliya oo Somaliland ku eedeysay ‘inay carqaladeyn ka waddo’ hawada

Abdiaziz Bnnstaff

Banaanbaxyo Waawayn Oo Lagaga Soo Horjeedo Ciidamada Maraykanka Oo Ka Dhacay Dalka Niger

Abdiaziz Bnnstaff