Borama News Network

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Wasiiru dowlaha gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga ee dowladda Ingiriiska James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta Ciidamada iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Dhankiisa, Wasiiru dowlaha gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska James Stephen ayaa xusay sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.

Related posts

Guleed Saalax:- Deni Waan Kala Argti Duwanahay Hadana Waxaan Leeyahay Hambalyo

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay Tahay Tallaabada Uu Qaaday Mareykanka Ee Ka Cadheysiisay Shiinaha?

Abdiaziz Bnnstaff

“Doorasho Hadii La Qaban Waayo Dalku Xaalad Adagbuu Galayaa, Muuse Biixina Daacada Kama Ah Doorashada” Siyaasi Cabdilaahi Dheere

Abdiaziz Bnnstaff