Borama News Network

Ciidamo daacad u ah milateriga Sudan oo is-hortaagay gargaar loo waday Darfur

Masuuliyiinta daacadda u ah milatariga Sudan ayaa is-hortaagay gargaar ku socday gobolka Darfur, tallaabadaas oo ay aad uga qayliyeen hay’adaha gargaarka iyo dawladda Mareykankuba.

Gobolka Darfur oo deris la ah dalka Chad, ayaa ka mid ah meelaha ay dhibaatada bini’aadanimo sida weyn ugu dhufatay tan iyo markii uu Sudan dagaalku ka qarxay, muddo toban bilood ka hor ah. Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamada miltariga Sudan iyo maleeshiyada sida milatariga u tababaran ee RSF.

RSF ayaa ka soo jeeda maleeshiyadii Janjaweed, ee dhibaatooyinka ka geystay gobolka Darfur muddo haatan laga joogo labaatan sannadood.

Dagaalka ay kooxda RSF hadda kula jirto ciidamada Sudan ee SAF ee soo bilowday bishii April ee sanadkii hore ayaa waxay kula wareegeen afar ka mid ah shanta magaalo ee ugu waaweyn Darfur.

In ka badan 694 kun oo qof ayaa ka gudbay xuduudda iyagoo galay dalka Chad, sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ah ee Muhaajiriinta ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo IOM.

Hey’addu waxay sheegtay in dad badan ay weli ku go’doonsanyihiin gudaha Darfur, gargaar deg deg ahna ay u baahanyihiin. Qaramada Midoobay ayaa gargaarkeeda gobolka ku xaddiday sahay ay ka gelin jirtay xuduudda Chad, laakiin sida ay sheegtay WFP todobaadkii tagay ayey masuuliyiintu is-hor taageen in gargaarka laga gudbiyo xadka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Mareykanka oo la yiraahdo Matthew Miller ayaa Jimcihii sheegay in Mareykanku uu aad uga werwersanyahay go’aanka ay ciidamada Sudan uga hor istaagayaan gargaarka bulshooyinka ku nool meelaha ay RSF gacanta ku heyso.

Related posts

Eritrea oo la Ogaaday in ay Tahay Wadan ka Maarmay Gargaarka Mareykanka

Mustafe haji

Wasiir Buuni Oo Ka Warbixiyay Qaabka Gobolka Awdal Loogu Soo Dhawayn Doono Waftiga Madaxwayne Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Macallin dhigayey Jaamacad laga barto caafimaadka oo ku taal dalka Bangladesh ayaa la xiray, maalmo ka dib markii uu xabad ku dhuftay arday imtixaan u fadhiyey. Dhacdadan oo ka dhacday magaalada Sirajganj ee waqooyiga galbeed ee Bangladesh ayaa aad loola anfariirey markii la ogaadey in booliska ay ku qaadatay labo maalmood in ay xiraan ninka falka geystey. Raihan Sharif ayaa la xiray, dabeedna shaqada laga joojiyey markii ardaydii jaamacaddu ay ku dhaqaaqeen mudaharaad looga soo horjeedo weerarka lagu dhawacay saaxiibkood. Macluumaad dheeri ah lagama hayo sababta ka dambeysey dhacdan iyadoo ardayga dhaawacana uu isbitaal jiifo, macalinkana uu xabsi ku jiri Warbaahinta gudaha ayaa magaca dhibbanaha ku sheegtay Arafat Amiin Tomal oo 23 jir ah, kaasoo hadda ka soo kabanaya dhaawac ka so gaarey jilibka. Macallin Shariif ayaa wuxuu qori la soo galay fasal ay fadhiyeen 45 arday, ka dibna wuxuu xabad ku ridey ardayga dhaawacmay. Nasiib wanaag qaar ardayda ka mid ah ayaa macallinka isku duubay oo qol ku soo xiray, ka hor intii aan booliska loo yeerin.

Abdiaziz Bnnstaff