Borama News Network

Madaxwayihii Hore Ee Maraykanka Oo Lagu Amray Bixinta Lacag Dhan 454 Milyan Oo Damaanad Ah

Xaakin ku sugan magaalada New York ayaa Arbacadii diiday inuu hakiyo, amarka maxkamadeed ee sheegaya in madaxweynihii hore ee Trump uu bixiyo lacag gaadhaysa $454 million oo dollar, isaga oo racfaan ka qaatay.

Xaakinka lagu magcaabo Anil Singh ayaa sheegtay in madaxweynaha hore ee Trump ay tahay inuu bixiyo dammaanad u dhiganta guud ahaan lacagta laga doonayo, si loo joojiyo amarka fulinta ee maxkamadda, kaas oo ah in lacagta laga qaado haatan.

Xaakinka ayaa tixgelisay qaybo ka mida codsiyada Trump, kuwaas oo ah in la hakiyo in Trump laga mamnuuco inuu muddo saddex sannadood ah wax amaah ah ka doonto bangiyada ku yaalla New York, tallaabadan ayaa u sahlaysa inuu raadsado dammaanadda lacageed ee looga baahan yahay.

Garyaqaannada u doodaya Trump ayaa goor hore oo Arbacadii ah u sheegay maxkamadda in Trump uu diyaariyey dammaanad u dhiganta illaa $100 million oo dollar, iyaga oo dooday in amarkii mamnuucidda amaanda ah ee lagu soo rogay bishan February 16-keedii uu dabar ku noqday inay helaan guud ahaan lacagta laga rabo.

Related posts

“Reer Burco Waxa Aan Leeyahay Ha Dooranina Kuwii Dalka Dibindaabyeeyay, Iyo Dawladdii Xilkeedii Gabtay” Gudoomiye Maxamuud Xaashi

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh oo rajo ka muujiyay in guud ahaan Dalka ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah

Abdiaziz Bnnstaff

Odaygii Hadlay U Jawaabi Maayee Waxaan Leeyahay Koomishanku Ha Cadeeyaan In Uu Ku Metelo Hadalkaasi” Murashax Ciro

Abdiaziz Bnnstaff