Borama News Network

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Nairobi kula kulmay Geelle Iyo William Ruto

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada madaxweyne ayaa diiradda waxaa lagu saaray iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada dal oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas William Ruto.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka  Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa halkaas waxa uu uga qeyb galaya shirka Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka (UNEA).

Shirkaan oo ka sacda magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sanadkaan waxa uu halkudhiggiisu yahay “Waxqabadyo dhinacyo badan leh oo wax ku ool ah, loo dhan yahay oo waara si wax looga qabto isbeddelka cimilada, luminta noolaha iyo wasakhowga. ”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo laba geesoodka ah la yeelan doonaa madaxda gobolka iyo madaxda kale ee wufuudda si loo xoojiyo xiriirka iyo sahminta fursadaha iskaashi ee ku saabsan arrimaha deegaanka.

Related posts

Aqalka Cad ee Maraykanka oo sheegay in uu is hor istaagay weerarkii Israaiil ay la damacsanayd Rafax

Abdiaziz Bnnstaff

Tirada Shacabka Qaza Ee Ay Laysay Yuhuudo Oo Madaxa La Galay 30 Kun Oo Qof

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Xadhiga Wasiir Hore Axmed Muumin Seed

Abdiaziz Bnnstaff