Borama News Network

Aqalka Cad ee Maraykanka oo sheegay in uu is hor istaagay weerarkii Israaiil ay la damacsanayd Rafax

Aqalka Cad ee Dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu hakiyay qorshaha duullaanka Israaiil ay la damacsanayd Magaalada Rafax ee Farastiin kaddib markii Washington ay ku adkaatay in ay dhinac iska dhigto qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Saraakiil ka socota Yuhuudda oo kulan wadatashi ah looga yeeray Aqalka Cad ayaa dhegaha loogu dhibciyay in aanay Washington suuragal ka dhigi Karin damaca Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ee la xiriira in uu duullaan ku qaado Rafax.

Maraykanka oo dhaqaalihiisa iyo hubkiisa ugu badan u gacangeliyay Israaiil kuna fashilmeen hadafkoodii ahaa soo furashada Maxaabiista gacanta Xamaas ku jira tan iyo 7dii Oktoobar 2023 ayaa markaan dejiyay qorshe cusub.

Warbaahinta qaar oo warbixinno kala duwan ka qortay arrintaan ayaa sheegtay in marka la eego go’aankaan uu noqon karo mid jawaab u ah diidmadii Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda wafdigii Tel Aviv ee Aqalka Cad wada-tashiga u tagi rabtay.

Maraykanka iyo Israaiil ayaa madaxa isla galay kaddib markii Xukuumadda Netanyahu ay ka waysay go’aanka diidmada qayaxan ee Washington ku hor istaagi kartay xabbad-joojinta uu meelmariyay Golaha Ammaanka Todobaadkaan.

Related posts

Deg Deg:- Dowlada Turkiga Oo Ku Dhawaaqday In Ay Somaliya U Difaacayso Sidii Ay Liibiya U Difaacday

Abdiaziz Bnnstaff

Shirkada DP World Oo Ku Eedeysay Jabuuti Dawladda Aan Ixtiraamin Heshiisyada Sharci Ee Lala Galo

Abdiaziz Bnnstaff

Nin Sargaal Ciidan Ah Oo La Weerar Ku Qaaday Isbitaal Ku Yaalada Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkaasi

Abdiaziz Bnnstaff