Borama News Network

Deg Deg:- Dowlada Turkiga Oo Ku Dhawaaqday In Ay Somaliya U Difaacayso Sidii Ay Liibiya U Difaacday

Gudoomiyaha baarlamaanka Turkiga Nicmaan Kurtulmuş ayaa sheegay in Turkigu difaacayo Xuduudaha Somalia,hadii ay Somalia ka codsato iskaashi amni,Wuxuuna yiri sidan .

“Turkigu Ma aqbalayo in lagu Xadgudbo madaxbannaanida Soomaaliya iyo xuduudaheeda La aqoonsan yahay,Itoobiya Xiriir fiican ayaa naga dhexeeya,Lknse Waan kasoo horjeednaa Talaabada Itoobiya ay ku faragelisey dhulka Somalia .

Somalia garab ayaan ku siinaynaa inay ku filaato amaanka Xuduudkeeda,Hadayse naga codsato somalia inaan u ilaalino oo u sugno amaanka Badda,diyaar ayaan u nahay, intay ku filaanayso amaanka xuduudkeeda,iyadoo sharci iyo heshiis loo marayo .

Waxay ku xiran tahay keliya Somalia oo Turkiga la gasha heshiis iskaashi amni oo mudo cayiman soconaya,sida heshiskii iskaashi amni ee ay Dawladda Libya la gashay Turkiga 20019-kii xiligaas oo aan dawladnimada libya difaacnay oo ay soo weerareen falaago xaftar hogaaminayey .

Hadii ay Somalia Walaac amni dareemayso,Kama hordhacayno,wax walba rabitaanka dawladda somalia ayay ku xiran yihiin,Turkigu markasta wuxuu garab taagan yahay Bulshada soomaaliyeed,
Wuxuuna aqoonsan yahay madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda ” Gudoomiyaha baarlamaanka Turkiga Nicmaan Kurtulmuş .

Xigasho -Warbaahinta Huriyet .

Related posts

Maxkamadda Cadaaladda Dunida oo soo saartay amar ka dhan ah Israa’iil

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Mareykanka oo Ruushka ku eedeeyay inuu jabiyay xeerka hubka

Hooyo, Waxaan Arkay Iyadoo Wada Holceysa Oo Gubanaysa” Caruurt Luul, Oo Xamar Lagu Gubay.

Abdiaziz Bnnstaff