Borama News Network

Baarlamaanka Ghana oo korontadii laga jartay kaddib markii lagu yeeshay lacag dhan $1.8 milyan

Shirkadda Korontada ee ay dowladdu maamusho ee Ghana (ECG) ayaa Khamiistii korontada ka jartay baarlamaanka dalkaas, kaddib markii ay ku yeelatay deyn gaadhaysaa illaa 23 milyan oo lacagta Ghana ah oo u dhiganta ($1.8m; £1.4m).

Maqnaanshaha korontada ee xilligii la jaray ayaa qasbay in ay hakad gasho doodii ku saabsanayd khudbaddii sannadeedkii madaxweynaha.

Muqaal ay warbaahinta gudaha la gu baahiyey muujinayey xildhibaannada oo ka falcelinaya markii korontadu ka tagtay.

Waxay lahaayeen “Dumsor, dumsor”, taas oo macnaheedu yahay ‘koronto la’aan’ kolka luqadda dalkaas ee Akan.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in koronto-dhaliye dib u soo celiyay korantada qolkai doodda dhowr daqiiqo ka dib.

Related posts

Xarumaha NATO oo feejignaan la geliyay kaddib cabsi laga muujiyay Ruushka

Abdiaziz Bnnstaff

Intii Muuse Ka Xanaaqday Ee Wadani Tegtay Waxaa Hadana ka daba tagtay “Guddoomiye Xisbiga UCID

Abdiaziz Bnnstaff

khatar Ka Jirta Koonfurta Lubnaan.

Abdiaziz Bnnstaff