Borama News Network

Madaxwayne Zelensky oo Ukraine u dalbay hababka Difaaca Hawada.

Madaxweynaha Dalka dagaalka xooggan uu ku socda ee Ukraine Ninka lagu magacaabo Volodymyr Zelensky ayaa dalalka Xulufada la ah ka codsaday in ay siiyaan Hababka Difaaca si ay uga gaashaantaan gantaallada culus ee Ruushka ku beegsanayo Dalkiisa.

Zelensky ayaa sheegay in Dadkiisu ay u baahan yihiin difaac adag oo ay ku kalsoonaan karaan maadaama Ruushka uu kordhiyay weerarrada uu ka gaysanayo dhinaca goobo ay kamid tahay Odesa oo ugu yaraan weerarkii ugu dambeeyay ka dhacay 8 ruux lagu dilay.

Hoggaamiyaha Ukraine ayaa markaan u muuqda in uu dareemayo welwel xooggan oo dhinaca weerarrada cirka ah ee Militariga Ruushku ay ku beegsanayaan Magaalooyinka ay joogaan ciidamada Dalkaas iyo xulufadooda.

Volodymyr Zelensky ayaa dhinaca kale tilmaamay in ciidamadiisa ay difaac ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen in uu Ruushka qabsado Dalkaas sidaas awgeed Xukuumadda Kyiv ay u baahan tahay in la xoojiyo garab-istaagga loo muujinayo.

Dalalka uu hor-boodayo Maraykanka ee ku jira liiska xulufada garab-taagan Ukraine ayaa dhowr jeer hub culus oo ay ku jiraan kuwa Difaaca hawada, Taangiyada Casriga ah ee lacagaha badan lagu iibiyo iyo agab kale oo ciidan siiyay Dalkaas.

Related posts

Murashaxa Madaxwayne Ku Xigeen Ew Xisbiga Wadani Oo War Ka Soo Saaray Cayimaadii Wakhtiga Doorashada Ay Dhacayso

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay Tahay Xudunta Khilaafka Dalalka Masar Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Maxkamad Switzerland ku taala oo 20 sano oo xabsi ah ku xukuntay wasiir hore oo Afrikaana

Abdiaziz Bnnstaff