Borama News Network

Maxaa Soomaaliya u hirgeliyay tan iyo markii laga cafiyay Dayntii muddo dheer lagu lahaa?

Bartamihii Deseembar sanadkii 2023 oo ku beegan markii Soomaaliya laga cafiyay Dayntii waqti dheer ku taagnayd waxa ay Dowladda Federaalka ay qaadday tallaabooyin kala duwan si fursado kala duwan loo raadiyo si dhaqaalaha Dalka uu usii kordho.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in saddex bil kaddib in ay hiigsanayaan horumar iyo isbaddel muuqda sida sare u qaadista Kobaca iyo kaabayaasha adeegyada oo ay hormuud u tahay Wasaaraddu.

Biixi Iimaan ayaa tilmaamay in shirarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Nairobi diiradda lagu saaray xaaladda dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, xaaladdu sida ay tahay, maxay yihiin hadafka guud ee dhaqaalaha, saddexda sanno soo socda bartilmaameedyada Dowladdu eeganayso & qodobo kale.

Xukuumadda Federaalka gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda, Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF loosoo gaabiyo & dhinacyadii kale ee kawada xaajooday dayn cafinta ayaa had iyo jeer kulamo ka qaata xaaladaha soo kordha & maaraynta arrimaha Daymaha.

Wasiir Biixi Iimaan ayaa sheegay in dhammaan dedaallada kala duwan ee socda ay muujinayaan fursado lagu maalgashan karo Soomaaliya isla markaana Dalka uu ka helo dhaqaalaha uu u baahan yahay waa sida uu hadalka u dhigay.

Caqabadaha barbar socon kara sida la dagaalanka Musuqa, Lacagaha la dhaqo iyo kuwo kale ayuu Biixi Iimaan Cige sheegay in ay Xoogga saarayso Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa xubnaha ay shaqo wadaagga yihiin.

Related posts

Sulaadiin Sheegay In Ay Kalsoonida Kala Noqonayaan Suldaanka Guud Ee Beelaha Habar Awal Suldaan Xasan

Abdiaziz Bnnstaff

Gudida Diiwaangelinta Ururada Iyo Ansixinta Asxaabta Oo Go,aamo Ka Soo Saaray Urur Siyaasadeedka Shacabka.

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa ka soo baxay shirkii shirgudoonka Baarlamaanka iyo madaxweynuhu wada qaateen ?

Abdiaziz Bnnstaff