Borama News Network

Madaxweynaha Imaaraatka oo Isbitaal ku booqday sarkaal ku dhaawacmay toogasho ka dhacday Muqdisho

Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaayed Al Nahyaan ayaa Isbitaalka Militariga ee Zaayed ku booqday kabtan Maxamed Saalim Al-Nucaymi oo dhaawac kasoo gaaray toogasho ka dhacday Xerada Janaraal Gordan ee Magaalada Muqdisho 10kii Febaraayo 2024.

Sheekh Maxamed ayaa xaaladda Caafimaad ee Kabtanka ka warraystay dhaqaatiirta gacanta ku haysa kiiskiisa oo u sheegay in uu kasoo caafimaadayo sidii hore, waxa uu u rajeeyay  in uu kasoo kabasho fiican helo maadaama howlaha qaranka isaga oo ku jira uu dhaawaca soo gaaray sida uu yiri.

Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zaayed Al Nahyaan ayaa kabtan Maxamed Saalim ku tilmaamay halyeey kamid ah saraakiisha dalkaas ee howlaha caawinaadda ah kawada Dalalka saaxiibada la ah Dalkiisa isaga oo u sheegay Dowladdiisa ay ku garab taagan tahay dib usoo kabashadiisa.

Al-Nucaymi waxa uu kamid ahaa Saraakiil u kala dhalatay Isutagga Imaaraatka Carabta & Baxrayn oo si gaar ah ula shaqaynayay ciidamo katirsan kuwa ammaanka Dowladda Federaalka oo saldhiggoodu yahay Xerada Janaraal Gordan ee Magaalada Muqdisho balse waxaa kiiskooda ku socda baaris ilaa haatan aanay natiijo laga gudbin.

Weerarkii ka dhacay Xerada Janaraal Gordan waxaa ka falceliyay madaxda sare Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dalalka Saaxiibada la ah Isutagga Imaaraatka Carabta iyo dhinacyo kala duwan, waxaa weli la sugayaa natiijada guddiga sida gaarka ah loogu xilsaaray uu warbixin kasoo gudbiyo waxyaabaha ku xeeran weerarkaas.

Related posts

Maxaan ka ognahay diyaaradda dagaalka Maraykanka ee ku burburtay Soomaaliya iyo nuuca ay tahay ?

Abdiaziz Bnnstaff

“Muuse Oof-wareen Ha Ka Dhigato Murashax Madaxwayne ” Musharrax Cirro Oo Maanta Si Adag U Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Askari Kenyan Ah Oo Rasaas Ku Furay Garsoore Ridday Xukun Isaga Ka Dhan Ahaa

Abdiaziz Bnnstaff