Borama News Network

Siciid Deni Oo Ku Dhawaaqay In Uu Yahay Musharrax u Taagan Xilka Madaxweyne DG Puntland Ee 2024/2029.

Siciid Cabdullaahi Deni madaxweynaha muddo xileedkiisu gabagabada yahay ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ugu dambayn markale ku dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan xilka uu hayo 8da Janaayo 2019 ilaa 7da Janaayo 2024.

Deni oo Garoowe ku samaystay bandhig musharraxeed ay kasoo qaybgaleen taageerayaashiisa iyo xubnaha siyaasiyiinta ah ee maamulkiisa katirsan ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay in uu markale u tartamayo xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland.

 

Waxa uu taageerayaashiisa & Dadkii kale ee goobjooga ka ahaa madasha la wadaagay waxqabad uu sheegay in uu qabtay muddada 5ta sanno ah uu hoggaamiyaha u yahay Dowlad-Goboleedka Puntland kuwaas uu u arko in dib loogu dooran karo.

 

Inkasta uu Deni Dadka ku qasbanaaday dib ugu laabashada Doodada dadban ee Baarlamaanka maadaama uu socon waayay hamigii ahaa Doorasho Dadweyne balse waxa uu doonayaa in markale uu dib ugu soo laabto xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland.

Musharrixiin aad u badan ayaa isusoo taagtay xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland waxaana xooggaystay dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee ay samaynayaan xubnaha xildoonka ah ee Garoowe ku sugan.

Related posts

Ma Xoolaa Tihiin Xirsi Muxuu Idiin Hayaa Nin Lacag Qaatay Yaanuu Idin Dareersan..Faysal Cali Waraabe Oo Si Adag Beeshiisa Ula Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha La Doortay Hawsha Ugu Wayn Ee U Taala Waa Laascaanood ” Xildhibaan Mukhtaar Maydhane

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa laga ogyahay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Itoobiya?

Abdiaziz Bnnstaff