Borama News Network

Ciidanka Israaiil Oo Ugu Yaraan 130 Ruux Ku Dilay Xeryaha Nuseirat Iyo Maghazi.

Ciidanka Israaiil ayaa kordhiyay weerarrada ay ka gaysanayso goobaha ay degen yihiin Dadka rayidka ah gaar ahaan Xeryaha Qaxootiga ee sida gaarka ah gacanta ku hayaan hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay.

Ugu yaraan waxaa ku dhintay duqayntii ugu dambaysay ee Ciidanka Yuhuudda ku garaaceen Xeryaha Nuseirat & Maghazi sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Waaxda Caafimaadka Magaalada Gaza oo arrintaan ka xog-warrantay.

Dadkaan ay duqayntu ku beegsadeen askarta Yuhuudda ayaa la daalaa-dhacaya dhibaatooyin bani aadamnimo sida Daryeelka Caafimaadka oo ay waayeen, Cunno la’aan & Xasilooni darro ka jirta deegaankooda oo dhammaan Ciidanka Israaiil ka go’doomiyeen.

Howlwadeenno katirsan Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo dhaqangeliyo bayaankii Golaha Ammaanka ee ahaa in xabbad-joojin bani aadamnimo la raadiyo si xal loogu helo dhibaatooyinka ka jira Magaalada Gaza.

Xasuuqa Ciidanka Israaiil ay ka gaysanayaan dhulka Falastiin ayaa sii kordhay waxaana saanad weliba la diiwaangeliyaa dhimashada, dhaawaca iyo khasaaraha ay la kulmayaan Shacabka dulman ee askarta Yuhuudda Duqayntu ku asqeeyeen.

Related posts

“Cali Xaamud Shirka Saaka Golohooga Waxa U Matalayey Godoomiye Fartoon…”Wasiir Buuni Oo U Jawaabay Cali Xaamud

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Shaacisay In Duqayn Lagu Laayay 20 Xubnood Ka Tirsan Alshabaab

Abdiaziz Bnnstaff

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Oo Umada Muslimka Ah Ugu Hambalyeeyay Munaasibada Ciida

Abdiaziz Bnnstaff