Borama News Network

Gollaha Wasiirada Soomaliya Oo Ansixiyay masuuliyiin cusub

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee Marwo Hodan Cismaan in ay noqoto Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, halkan Mudane Aadan Rooble uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xeerka Hey’adaha aan dowliga aheyn, Habraaca Diiwaan-gelinta Gaadiidka iyo Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta.

Golaha Wasiirrada, ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca dalka ka dhageystay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, iyaga oo golaha faah-faahin ka siiyey howlgallada socda ee sugidda amniga, xasillinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo al shabaab.

Related posts

“Cadawga Dibadda iyo War Xumo Tashiilka Dadka Somaliland Isku Diraya Waa In ….” Siyaasi Ramaax

Abdiaziz Bnnstaff

“Qolada Kulmiye Waxaan Leeyahay Adiguba Dharaarad Ka Qosleysay Dhooshe,Waa In Aad Dhadhamisaa”

Abdiaziz Bnnstaff

Dadka reer Koonfur Afrika oo u dareeray codeyn iyo xisbigii talada hayay 30 sano oo loo baqayo

Abdiaziz Bnnstaff