Borama News Network

Raysal Wasaare Xamse Bare Oo Amray In Si Deg Deg Ah Loo Fasaxo Duulimaadyada Dalka Gudihiisa Oo Hakad Ku Jiray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabaaya cabashooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa garoonka dayaaradaha Aden Cadde ayaa booqasho deg deg ah ku tagay garoonka halkaasi oo kula kulmay shacabkii dayaaradaha sugayay, oo uu ka dhageystay cabashooyinkooda.Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amray wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maamulka Garoonka iyo Shirkadaha Dayaaradaha in ay si degdeg ah u qaadaan dadka rakaabka ee sugayay safaradooda. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha oo kula hadlayay qaar ka mid ah rakaabka hoolka garoonka ayaa sheegay in dowladdu ay ka xuntahay dib u dhaca iyo culeyska ku yimid safaradooda, isaga oo ballanqaaday in arrintan oo kale aanay dib u soo laaban doonin.
Booqashadaan ayaa ku soo aadaysa ka dib markii maalintii labaad uu hakad ku yimid duulimaadyada gudaha ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo shacab fara badan ku sugan yihiin garoonka, kaddib markii Shirkadaha Diyaaradaha lagu soo rogay in rakaabkiiba laga qaado lacag dhan $9 dollar oo dheeri ah.

Warar soo baxay ayaa sheegay in muranka uu ka dhexjira Wasaaradda Gaadiidka iyo Shirkaddaha Diyaaradaha, kaas oo ku saabsan in lacagaha xogta Rakaabka lagu kordhiyo qiimaha Ticketka iyo in aan lagu kordhin oo shirkadaha duulimaadka doonayaan in ay lacagta $9 dollar ku kordhiyaan qiimihii hore ee Ticketka, halka Wasaaradda Gaadiidka ay dooneyso in aan waxba laga bedelin qiimaha Ticket-kii hore la qaadayay.

 

Related posts

Raysal Wasaare Xamse ” Dalkeena Aynu Difaacano Siyaasada Kasta Aynu Meel Iska Dhigno

Abdiaziz Bnnstaff

Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn Ee Turkiga Oo Duqaymo Ka Fuliyay Duleedka Muqdisho Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Duqaymahaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Israaiil Oo Ugu Yaraan 130 Ruux Ku Dilay Xeryaha Nuseirat Iyo Maghazi.

Abdiaziz Bnnstaff