Borama News Network

Dowlada Fadaraalka Somaliya Oo Xayirtay Lacag Dhan 7 Milyan Oo Dolar Oo Lala Xidhiidhinayo Alshabaab

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay guul ka gaartay dadaallada lagula dagaalamayo maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada, iyadoo daaha ka qaaday in ay ku guulaysteen in ay xannibaan lacag dhan 7 milyan oo dollar oo la rumeysan yahay in lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.

War qoraal ah oo laga sii daayay kanaalada dowladda, ayay mas’uuliyiinta Soomaaliya ku sheegeen inay qabteen lacag dhan 7 milyan oo dollar, iyadoo ay la socdeen 670 lambar oo taleefan ah, sidoo kalena la xiray 110 xisaabaad oo bangi oo lala xiriiriyay saraakiisha Al-shabaab. Talaabadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo qeyb ka ah fulinta dowlada dhaqan gelinta ka hortagga lacagaha la dhaqo iyo la dagaalanka sharciga maalgelinta argagixisada.

“Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, xisaabaadka la xiray waxaa ka mid ah xisaabaadka ganacsiga oo ay Al-Shabaab u isticmaali jireen inay dhaqaale uga qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed, taasoo ah xeelad ay inta badan ku shaqeystaan ​​ si ay ugu maal-galiso howlaheeda, isla markaana ay u maamusho bulshada deegaanka,” sida lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii wado dagaalka ka dhanka ah cuuryaaminta dhaqaalaha ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana uga mahadcelinayaa ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed sida joogtada ah ee ay ula shaqeeyaan dowladda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladdu ma aysan shaacinin hay’adaha maaliyadeed ee gaarka ah ee ku howlan fududeynta dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, sidoo kalena ma aysan sheegin wax tallaabo ah oo ciqaab ah oo lagu qaaday hay’adahaas.

Related posts

Daawo:- Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Weerarka Ay Iran Ku Qaadday Israa’iil

Abdiaziz Bnnstaff

Hay’adda WFP Oo Ka Digtay Khatarta Ka Dhalan Karta Macluusha Ka Jirta Suudaan.

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Xoorxoor” Xamaaliin Noqda Dalka Waxba Ma Yaalaane …

Abdiaziz Bnnstaff