Borama News Network

Goob ay ku shirayeen Madaxweyne & Raisul Wasaare caan ah oo la duqeeyey

Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay magaalada Odesa ee koonfurta dalka Ukraine, xilli uu madaxweynaha dalkaasi Volodymyr Zelensky uu kula kulmayay ra’iisul wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis.

Ciidamada badda ee Ukraine ayaa sheegay in shan qof ay dhinteen. lama soo sheegin cid ka tirsan labada wafdi oo wax ku noqday.

Mitsotakis ayaa sheegay in labadooduba ay maqleen dhawaqa seeriga iyo qaraxyada.

Ruushku waxa uu sheegay in uu bartilmaameedsaday goob lagu farsameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo dhinaca badda ah oo ku taalla meel ganacsi oo ku taal magaaladaas intii uu socday weerarkaas.

Madaxweyne Zelensky ayaa ku eedeeyay Ruushka “in aysan dan ka lahayn cidda ay beegsanayaan”, isagoo sheegay in Moscow ay “ama waalatay ama aysan xakameynin waxa ay sameynayaan ciidankooda argagixisada ah”.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen ra’iisul wasaaraha Giriiga ayaa yiri “waxaan maqalnay dhawaqa seeriga iyo qaraxyo ka dhacay meel noo dhow, ma aanan helin waqti aan ku gaarno gabbaad”.

Related posts

Booliska Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Ajaaniib Lagu Eedeeyey In Ay Muqdisho Ka Qaateen Dahab

Abdiaziz Bnnstaff

Waxaan Ku Baaqayaa In Marnaba Ciidamada Aan Loo Adeegsan Arimaha Siyaasada” Raysal Wasaare Xamse

Abdiaziz Bnnstaff

Antonio Guterres: “2.3 Milyan oo ruux ayaa guryo & Xasilooni la’aan ku haysata Rafax”.

Abdiaziz Bnnstaff