Borama News Network

Maxaa Booliska DF uga qorsheysan sugida amniga Muqdisho Bisha Ramadan

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa shir-gudoomiyay shir looga arinsanayay u diyaar garawga bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Taliye xigeenka Koowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S.Guuto Cusmaan C/lahi Maxamed (Kaniif), Saraakiisha Hoggaamada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, fadhiyada Madaxa Banaan, saraakiisha qeybaha ee Boliiska Gobolka Banaadir Taraafiko iyo Taliyaasha saldhigaya Gobolka.

Hal ku dhiga shirka ayaa ahaa Nabad ku afurka Bulshada Caasimadda inta lagu guda jiro bisha ramadaan iyo ka hortaga falalka  Al shabaab.

Inta uu shirka socday taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu faray saraakiisha ciidamada in laga shaqeeyo sidii bulshada Soomaaliyeed ee Caasimadda ay si nabad ah ugu soomi lahaayeen, kuna afuraan.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaas lagu dejiyey qorshe cusub oo bisha barakeysan ee Ramadaan lagu xoojinayo amaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Related posts

“Iyada Oo Awoodii Iyo Shaadhkii Dawlada La Adeegsanayo Ayaa Dadka Intii Hoosaysay Aan Waxba Loo Dirsan Jirin La Soo Dalacsiiyay..” Yusuf Shaacir

Abdiaziz Bnnstaff

“Somaliland Ka Soo Baxa Godka Oo Xal Waara La Gaadha Walaaladiin” Xildhibaan. Mahdi Guleed Oo Fariin Culus USoo Diray Reer Somaliland .

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha Masar Oo Martiqaaday Dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Abdiaziz Bnnstaff