Borama News Network

Madaxweynaha Masar Oo Martiqaaday Dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdifitaax Al-Sisi ayaa martiqaad u fudiyay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dal iyo xaaladaha kasoo cusboonaaday Geeska Afrika.

Wafdi ka socda Dowladda Masar oo soo gaaray Muqdisho ayaa martiqaadkaas la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu u gaaro Magaalada Qaahira ee caasimadda Dalkaas.

Diblumaasiyiinta ka socotay Masaarida ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku wareejiyay casuumadda si uu u gaaro Magaalada Qaahira inkasta oo aan la shaacin waqtiga uu socdaalkaas galayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdifitaax Al-Sisi ayaa kamid ah Madaxdii xiriirka telefoon la samaysay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya horrtaantii bishaan isla markaana ka dhiidhiyay damaca gurracan ee Itoobiya ku rabto Badda Soomaaliya.

Masar & Itoobiya waxaa ka dhaxeeya khilaaf muddo soo jiitamaya oo la xiriira isticmaalka ama wadaagga biyaha webiga Nile kaddib markii Xukuumadda Addis Ababa ay sheegtay in ay ka

Related posts

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Bariga Dhexe u Tagaya Xal u Helida Dagaalka Gaza.

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Kacdoon Shacab Ku Goodiyay In Ay Hogaamin Doonaan Hargeysa

Abdiaziz Bnnstaff

Warbaahinta Magaalada Hargeysa Oo Go’aamo Adag Ka Qaadanaya Wada Shaqaynta Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff