Borama News Network

Booliiska Itoobiya Oo Raadinaya Nin Dilay Sheekhii Soo barbaariyay.

Booliiska Itoobiya ayaa Magaalada Addis Ababa ka baadigoobaya Nin lagu magacaabo Maxamed Shakuur Ababaaw oo ku eedeysan in uu dilay Sheekh Cabdi-Yaasiin oo kamid ah culimada caanka ah Magaaladaas.

Maxamed ayaa la sheegay in uu soo barbaariyay sheekha uu gacantiisa ku dilay inkasta oo aan faahfaahin dhammaystiran laga bixin sababta uu nafta u dhaafay Ninkaas sheekha ah ee doorka wanaagsan kasoo qaatay barbaarintiisa.

Dilka ayaa ka dhacay Deegaanka Kolfe Qaraaniyo ee Magaalada Addis Ababa waxaana lagu raad-joogaa ninkaan baxsadka ah si haddii loosoo qabto wax looga waydiiyo sababta uu u dilay Sheekha kaddibna loo gudbiyo Maxkamad.

Sheekh Cabdi-Yaasiin ayaa Imaam Masjid waxa uu ku ahaa Masaajid ku yaalla Addis Ababa, waxaana falkaan lagu dilay uu dhacay kaddib markii uu kasoo baxay Masjidka kuna sii jeeday gurigiisa sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Cabdi-Yaasiin waxa uu ahaa Sheekh, Imaam Masjid & Macallin Dugsi Qur’aan oo waxbaray Arday badan oo uu ku jiro Ninka dilay waxaana arrintaan ay fajac ku noqotay Dad badan oo aqoon u ahaa Marxuumka.

Golaha ay ku mideysan yihiin Muslimiinta Itoobiya ayaa Xukuumadda Addis Ababa ka dalbaday in lasoo qabto Ninka gacan ku dhiiglaha ah ee Baxsadka ah si loo ogaado xogo badan oo faah-faahintooda haatan qarsoon.

Booliiska Addis ayaa dadka ku wargeliyay in ay soo gudbiyaan xogaha iyo macluumaadka Maxamed Shakuur Ababaaw oo baxsad ka ah Hay’adaha Amniga waxaana sawirradiisa lagu dhajiyay meelaha Bulshadu isugu tagto.

Related posts

Cajiib Shimbir La Siidyay Darajada Ciidamada Ee Sareeye Gaas Iyo Ciidamo Salaan U Saaray Shimbirkaas

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxweyne Biixi Waxanu Ku Heshiinay In Doorashadu Wakhtigeedi Ku Dhacdo….Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff

Loolanka ay wadamadu ugu jiraan Soomaaliya xilli la shaaciyay waqtiga shidaalka la qodi doono

Abdiaziz Bnnstaff