Borama News Network

Guterres: “Dhinacyada Suudaan ku dagaalamayaa waa in ay dagaalka joojiyaan Bisha Ramadaan Darteed”.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dhinacyada ku dagaalamaya Jamhuuriyadda Suudaan ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka dhexdooda ka socda si ay ixtiraam ugu muujiyaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan ee maalmaha kooban ka dhiman tahay curashadeeda.

Antonio Guterres ayaa dhinacyadaan hubaysan waxa uu xusuusiyay in aan laga maarmin joojinta Dagaallada socda si ay nabadgalyo ugu soomaan Shacabka ay ku dul-dagaalamayaan sida uu hadalka u dhigay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo si dhab ah uga hadlay xaaladda Suudaan.

Xaalado bani aadamnimo oo aad u daran ayaa ka jira Dalka Suudaan, Dadka qaar ee ay toogtayn dhinacyada Hubaysan ayaa jirkooda waxaa cunay Eeyaha (Eyda) taasina waxa ay walaac badan ku abuurtay dadka ku go’doonsan Xaafadaha qaar oo a ku dagaalamayaan dhinacyadaan balse haatan loo baahan yahay in xal la helo.

“Waxa aan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan in ay ixtiraamaan bisha Ramadaan ee barakaysan, isla markaana ay dagaalka joojiyaan, xabbad-joojin dhaqangasha waa badbaadada Dadka lagu dul-dagaalamayo” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Dagaalka u dhaxeeya dhinacyada hubaysan ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa billowday Abriil 2023 waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac, Barakac, Burbur & xaalado adag oo dhammaan saamayn taban ku reebay Bulshada inteeda badan ku noolayd Magaalada Khartuum oo Caasimadda Dalkaas ah.

Related posts

“Muuse Biixi Iyo Abiy Ahmed Waa Labo Nin Oo Iska Sheekaystay Dadkuna Dareen Bay Qabaan” Xildhibaan Caano Nuug

Abdiaziz Bnnstaff

Booliiska Soomaaliya oo baaraya Rag hubaysan oo ku eedaysan Dilal ka dhacay Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Maxkamada ICJ Oo Go’aan Ka Soo Saaray Dacwadii Ka Dhanka Ahayd Israel

Abdiaziz Bnnstaff