Borama News Network

Ciidamada Mareykanka, UK Iyo Faransiiska Oo Burburiyay Diyaarado Weeraro Lagu Fulinayay

Ciidamada Maraykanka, Faransiiska iyo UK ayaa xalay iyo Sabtidii kusoo riday Badda Cas tobannaan diyaaradaha drones-ka ah, kadib markii Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ay beegsadeen markabka xamuulka qaada ee Propel Fortune iyo maraakiibta dagaalka Maraykanka ee gobolka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay militariga Maraykanka.

Xuuthiyiinta ayaa tan iyo bishii November weerarro ku qaaday maraakiibta mara badda cas iyo gacanka cadmeed, taasoo ay ku sheegeen olole ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta intii uu socday dagaalka ay Israel kula jirto Xamaas ee Gaza.

Afhayeenka milateriga ee kooxda Xuutiyiinta, Yahya Sarea, oo Sabtidii khudbad ka jeediyay taleefishinka ayaa sheegay inay 37 diyaaradood ku bartilmaameedsadeen markabka xamuulka ah iyo “tiro ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ee ku sugan badda cas iyo gacanka Cadmeed.”

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa isbaheysiga ayaa soo riday ugu yaraan 28 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo dul heehaabayay badda cas saacadihii hore ee Sabtida, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka ee CENTCOM.

Horraantii Sabtidii, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in milatarigu uu ka jawaabayay weerar ballaaran oo lagu qaaday maraakiib marayay badda cas iyo gacanka cadmeed intii u dhaxeysay 4-tii ilaa 6:30 subaxnimo.

Markab iyo diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska ayaa sidoo kale soo riday afar diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, kuwaas oo ku sii siqayay maraakiibta badda ee howlgalka Yurub ee Aspides ee gobolka, sida lagu yiri war kasoo baxay ciidamada Faransiiska.

Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay in markabkeeda dagaalka ee HMS Richmond uu ku biiray xulafada caalamiga ah si ay isaga caabbiyaan weerar ay habeen hore soo qaadeen Xuutiyiintu, iyadoo sheegtay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray.

Related posts

Somaliland Oo Caynabo La Keenay Ayaan Aragnaaye Hadii Ay Doorashadu Dib U Dhacdana…Prof Cali

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha wakiillada oo si adag uga hadlay Sababta uu Golaha u hor iman waayey Xeer ilaaliyaha Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxdhaqmeedka Beesha Habarjeclo Oo Baaq U Dirtay Beelaha Dhulbahante Warna Ka Soo Saaray Dilal Ka Dhacay Gobolka Sanaag