Borama News Network

Wax Ka Ogaw Dalalka Maanta Laga Soomay Iyo Kuwa Aan Maanta Laga Soomanayn

Dunida Muslimka ayaa ku kala qaybsan bilashada bisha Ramadaan ee sannadkan oo dalalka qaar ay sooman yihiin maanta, halka qaar kalena aan laga soomin.

Dalalka Khaliijka, Suuriya Yemen, Masar Soomaaliya, Suudaan, Jibouti, Kenya iyo Turkiga ayaa ka mid ah meelaha maanta oo Isniin ah laga sooman yahay.

Halka dalalka Australia, Brunei, Indonesia, Malaysia, Singapore, Cumaan, Urdun Iiraan iyo qaar kale ayaan maanta laga soomin. Waxayna soonka billaabi doonaan maalinta talaadada ah.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in ay jiraan dalal kala qaybsan oo dadkoodu qaar sooman yahay, qaarna afuran yahay, ka dib markii lagu kala aragti duwanaaday bilashada bisha Soonqaad.

Inkasta Dowladda Soomaaliya ay xalay ku dhawaaqday bilashada bisha Ramadaan, haddana taas waxaa ka hor yimid maamulka Puntland oo sheegay in ay maanta tahay maalintii ugu dambeysey Shacbaan.

Sidoo kale waxaa inta badan kala sooma dadyowga Shiicada ah ee Ciraaq iyo Lubnaan sababo la xiriira aragtiyo diimeedawgeed.

Ramadaankan ayaa ku soo aadaya xilli dagaal ba’an uu ka socdo Falastiin, halkaas oo Qaramada Midoobay ka digtay in ku dhawaad ​​afar meelood oo meel dadka reer Gaza oo dhiganta in ka badan nus malyuun qof ay wajahayaan macaluul daran.

Related posts

Wasiir Cabdirisaaq Cumar Soomaaliya waxa Ay Ku Guuleysatay In Ay Diplomasiyada Kaga Adkaato Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Soomaaliya oo Ururka Iskaashiga Islaamka hordhigtay xadgudubka Itoobiya ku samaysay madaxbannaanida Iyo wadajirka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Bulshadiisa Ugu Baaqay In Ay Bartaan Luuqada Carabiga Iyo Sababta

Abdiaziz Bnnstaff