Borama News Network

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in Gobolka Mudug ay ku dishay Saraakiil katirsan ‘AS’.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo faah-faahin ka bixisay howlgal ka dhacay Gobolka Mudug waxa ay sheegtay in lagu dilay saraakiil katirsan ‘AS’ kaddib markii xog dhammaystiran laga helay sida hadalka loo dhigay.

Howlgalkaan ayay Dowladdu sheegtay in ay uu ahaa mid si feejigan la isugu dubbariday oo ugu dambayn lagu beegsaday ku xigeenkii madaxa Jabhadaha ‘AS’ ee Gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Magaca sarkaalka la beegsaday waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay Maxamed Isaaq Aw-Raage oo ku magac dheer (Maracadde) waxaana uu ku eedaysnaa dagaallo ka dhacay Gobolka Mudug sida Dowladdu hadalka u dhigtay.

Qoraalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maracadde lala dilay Sarkaal Ajnabi ah oo la socday iyo shan xubnood oo kale oo ilaalo u ahayd halka hubkii ay wateen ciidamu soo qaateen sida hadalka loo yiri.

Gobolka Mudug gaar ahaan Koofurta waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ay isku kaashanayaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo Dadka deegaanka ee Macawiislayda loo yaqaan.

Related posts

“Xisbiga Kulmiye waxa uu Aflagaado Qaawan u gaystay Beelaha Habar jeclo…”Gud Cabdirashiid Maxamed

Abdiaziz Bnnstaff

Qarama Midoobay Oo Hakisay Qaybintii Gargaarka Ee Rafax Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi oo kulan la yeeshay Danjiraha Isu-tagga Imaaraadka Carabta