Borama News Network

Markabkii Ugu Horeeyay Ee Sida Shixnad Gargaar Ah Oo Gaadhay Magaalada Qaza

Markabkii ugu horeeyay oo sida shixnad gargaar bini’aadnimo ayaa gaaray xeebta Qasa.

Markab laga leeyahay dalka Spain oo lagu magacaabo Open Arms ayaa Talaadadii ka dhoofay Qubrus isagoo sida 200 oo tan oo cunto ah oo si aad ah looga baahan yahay Qasa, taasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ay qarka u saaran tahay macaluul.

Muuqaalada la soo dhigay internet-ka ayaa muujinaya wiish ka soo guuraya raashinka saaran markabka isla markaana ku daabulaya gaadhi xamuul ah oo ku sugaya xeebta.

Waxay astaan u tahay bilawga tijaabada lagu eegayo in maraakiibta baddu ay waxtar leeyihiin, ka dib markii la ogaaday in dhulka iyo cirku ay adag yihiin.

Hay’adda World Central Kitchen (WCK) oo iyadu keentay raashinka, ayaa fulisay howshan iyadoo kaashanaysa Imaaraadka Carabta (UAE), si ay u gaarsiiso shixnad ka kooban bariis, bur, digir, khudaar qasacadaysan iyo borotiinno qasacadaysan.

Related posts

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo war kasoo saaray dhexdhexaadin ay u wadeen Deni iyo Xasan Sheekh

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Mar Kale Caawa Si Adag UGA Hadlay Damaca Itoobiya Ee Bada Lughaya

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Jabuuti Oo Soo Dhawaysay Go’aanka Ay Koonfur Africa Maxkamada Kula Tiigsanayo Isreal

Abdiaziz Bnnstaff