Borama News Network

Kooxo Dabley hubaysan Ah Oo In Ka Badan 100 Qof Oo Rayid Ah Ku Dilay Rariga Dalka Burkina Faso

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa in ka badan 100 qof oo rayid ah ku dilay weeraro kala duwan oo ay ku qaadeen tuulooyin ku yaalla bariga dalka Burkina Faso.

“Xasuuq ayaa loo geystay dadka rayidka ah ee Kpadiari, Nadiagou iyo Tindangou shalay” ayaa lagu yiri warbixin laga soo saaray dhacdadaan. Tirada dhimashada ayaa wararka qaar sheegayaan in ay gaarayso 130 qof.

Carruur iyo haween ayaa ka mid ah dadka la laayay kuwaas oo lagu eedeyay in ay gacan saar la leeyihiin kooxaha mitidiinta ah.

Dalka Burkina Faso ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacayay dilal ay kooxo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha hubeysan ay u geysteen boqolaal qof oo rayid ah. Ciidamada Nabad Suggida ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay geysteen dilal kala duwan.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Sheegay in Soomaaliya & Turkiga ay xoogga saarayaan 4 qodob oo muhiim ah

Abdiaziz Bnnstaff

“Hubka La isku Qabsado Dawlada Ayaa La Wareegaysa Maxaabiista In Aynu Isdhaafsano Diyaar Baanu U Nahay” Madaxwayne Fardhiye

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Gaadhay Dalka Eritrea Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

Abdiaziz Bnnstaff