Borama News Network

Madaxwaynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin Oo Mar Kale Ku Guulaystay Doorashadii Dalkaasi Ka Dhacday

Hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay inuu xoojin doono ciidamada qalabka sida, uuna mudnaanta siin doono waxa uu ugu yeeray howlgalka gaarka ah ee Ruushka uu ka wado dalka Ukraine.

Isagoo hadlayay ka dib doorashadii madaxtinimo ee uu helay in ka badan boqolkiiba sideetan codadkii la dhiibtay, ayaa Mr Putin waxa uu sheegay in natiijada ay muujineyso kalsoonida ay dadku ku qabaan halka uu hadda marayo Ruushku.

Waxa uu sheegay in markii Ruushku midoobo aysan jirin cid cabsi gelin karta ama caburin karta. Doorashada ayaa lagu tilamaamay mid aan xor iyo xalaal toona aheyn sababo la xiriira cadaadiska iyo xarigga ay la kulmayaan xubnaha mucaaradka ah.

Related posts

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Dagaalka Gaza

mustafeamiin

Ardayda Jaamacadda Columbia oo kordhiyay bannaanbaxa ay ku taageerayaan Falastiin

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Ina Kaahin Wali Waxay Joogaan Qaaxo Ee Ha Loogu Dhaarto In Ay Aanay Joogin” Xildhibaan Khadar Guun

Abdiaziz Bnnstaff