Borama News Network

Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Kala Baxay Dalka Haiti Ee Rabshadaha Ka Socdaan.

Dowladda Maraykanka aya diyaarado u kiraysay in ay kusoo daadgurayso muwaadiniinteeda ku dhibaataysan dalka Haiti si ay uga hortagto halis weliba oo ay la kulmi karaan Muwaadiniintaasi sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Washington.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in dad ka badan 30 ruux oo dhalashadoodu tahay Ameerika lasoo saaray diyaarad u kireysan Dowladda waxaana ay caga-dhigatay Magaalada Miami ee Gobolka Florida.

Washington ayaa digniin ka heshay dhiggeeda Haiti kaddib markii ay kordheen rabshadaha ay ku lugta leeyihiin kooxaha hubaysan ee ka awood badiyay ciidamada dalkaas, waxaana ugu dambayn Maraykanka uu qaaday tallaabadaas uu muwaadiniintiisa uu ula baxay.

Maraykanka ayaa u ololaynaya sidii ciidamo caalami ah oo awood ahaan dhinac istaaga isla markaana tababara askarta Dalka Haiti waxaana indhaha lala raacayaa ciidamo Kenyan ah oo dhowaan dalkaas loo dalbay in la geeyo.

Dadka u dhashay Dalka Haiti ayaa ah 11.45 Milyan oo ruux sida ku cad daraasaddii ugu dambaysay ee uu sameeyay Bangiga Adduunka waxa ay la daalaa-dhacayaan xasilooni darro iyo rabshado aanay awoodin in Dowladdooda ka dul-qaaddo.

 

Related posts

Dabley Hubaysan Oo Waqooyinka Magaalada Gaalkacyo Ku Dishay Ganacsade Caan Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Suuqa Saamiyada Ee Taiwan Oo Albaabada La Iskugu Dhuftay Ka Dib Cashuuraha Maraykanku Soo Rogay

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Dareenka XildhibaanadaEe Ansixinta Xeerka Doorashooyinka Iyo Filashada Ay Madaxweyne Biixi, Ka Qabaan.

Abdiaziz Bnnstaff