Borama News Network

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: “Halka Dooq ee aan ka furnayn Dastuurka waa dib haloo dhigo”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dood weliba laga furi karo dib u eegista Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka balse dooqa keliya ee xiran uu yahay in dib loo dhigo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalintii la dooranayay uu ballanqaaday in uu dhammaystirayo dastuurka qabyada ah ee Dalka sidaas awgeed ku dhex jirkiisa uu yahay fulinta ballanqaadkiisii waqtigii Doorashad sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu tilmaamay in talo iyo dood ay gelisay dhammaystirka Dastuurka Dalka waxaana ugu dambayn loo gacangeliyay Baarlamaanka oo ah wakiilka Shacabka si dhankiisa uu ugu daro waxyaabaha u baahan in lagu soo kordhiyo.

“Hal dooq oo keliya ayaan ka furnayn Dastuurka inta kale oo dhan way furan yihiin waana dib haloo dhigo, suurtagal ma ahan in Baarlamaanka 11aad ee maanta jooga uu dhaho dib ayaan ugu dhigaynaa Baarlamaanka 12aad, Dastuurka Dib u eegista lagu samaynayo waxaa ku qoran ilaa Shacabka ugu codaynayo wax waa laga baddeli karaa” Ayuu yiri Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in aanay is qaadan Karin in Dowladdu ay ahaato mid federaalka halka Dastuurkii ay ku dhaqmaysanaya uu weli yahay mid kumeel-gaar ah oo aan la dhammaystirin.

Qurxinta & dib u eegista Dastuurka ayuu ku sifeeyay in lagu hagaajinayo isla markaana meesha looga saarayo qodobada iska hor imaanaya si looga gungaarana loo baahan yahay in guud ahaan wadajir loo wajaho si Mustaqbalka ummadda loo wanaajiyo.

“Dowlad Kumeel gaar ah ma ihin laakiin Dastuur Kumeel-gaar ah ayaan ku dhaqanaa muddo dheer ayaa nalagu soo dulqaatay, Dastuurka waxaa ku qoran sida wax looga baddeli karo iyo qaabka loo baddeli karo, isaga ayay ku qoran tahay oo ma ahan ra’yi Xasan Sheekh leeyahay, ilaa Shacabka ka codeeya wax waa laga baddeli karaa” Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinacyada diidan ama duraya qaabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u wajahayo Arrimaha Dastuurka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud usoo jeediyay in ay doodaha ay qabaan geeyaan Baarlamaanka maadaama intooda badan Xildhibaanno yihiin.

Related posts

Maraykanka Oo Isreal Waydiistay macluumaadka muwaadin looga dilay Marinka Rafax.

Abdiaziz Bnnstaff

“Xirsi Markuu Kiisas Galey Ayuu Sirdoonkii La Xumaadey…”Gudoomiye Xinif Oo Eedaymo Culis Ujeediyay Gudoomiye Xirsiga Wadani

Abdiaziz Bnnstaff

“Wasiir Maxamed Kaahin Waa Danbiile Waa In Golaha Ha Looga Yeedhaa Dagaalka Laascaanoodna Isagaa Sabab U Ahaa” Xildhibaan Shaadh