Borama News Network

In ka badan 280 ardey oo afduub loo haystay dalka Nigeria oo la sii daaya

In ka badan 280 ardey oo lagu afduubtay magaalada waqooyiga galbeed ku taala ee Kuriga horraan tii bishan ayaa la sii daayay, iyagoo wax dhibaato ah aanay gaarin, sida ay sheegeen saraakiisha dawladda.

Gudoomiyaha Gobolka Kaduna Uba Sani ayaan faahfaahin ka bixin sii deynta ardeyda, maalmo kahor inta aan la gaarin waqtiga ay af duubayaasha u qabteen in lagu bixiyo lacagta madax furashada.

Caruurtan oo ay da’doodu u dhaxayso sideed jir illaa 15 jir iyo hal macalin ayaa la afduubtay todobadii bishan Maarso.

Gaangiska wax afduubta ee loo yaqaano Baandhit ayaa afduubtay kumannaan qof sanadihii la soo dhaafay, gaar ahaan waqooyiga galbeed.

Si kastaba ha ahaatee, waxa hoos u dhacay afduubka caruurta sanadkii la soo dhaafay, kahor todobaad kii hore oo afduub ballaaran uu dhacay.

Kooxaha xagjirka ah ee wax afduubtay ayaa markan dalbaday lacag dhan $690,000. Dawladda ayaa sheegtay in aanay wax madax furasho ah bixin doonin.

Qoraal uu soo saaray gudoomiye Sani ayuu ku amaanay madaweynaha Nigeria Bola Tinibu sida uu uga qayb qaatay in la sii daayo caruur iskuulka, iyadoon wax dhibaato ah gaarin.

Related posts

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Wacad Ku Maray In Ay Sii Xoojinayaan Maraakiibta Marinka Badda Cas Inta Lagu Guda Jiro Bisha Ramadaanta

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Cabdirisaaq Cumar Soomaaliya waxa Ay Ku Guuleysatay In Ay Diplomasiyada Kaga Adkaato Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Masuul Naftiisa Ku Waaayay Askari Uu Kursi Ka Kiciyay Faahfaatinta Siday Wax U Dheceen Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff