Borama News Network

Itoobiya maku biiri kartaa Jaamacadda Carabta, maxayse ka ka faa’iideysaa?

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhowaan ugu baaqay muwaadiniinta dalkiisa inay bartaan luqadda Carabiga, taas oo uu sheegay inuu dalban doono in lagu dhigo dugsiyada dowladda Itoobiya, isagoo dhanka kalena rajo ka muujiyay in Itoobiya ay ku biirto ururka Jaamacadda Carabta.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in “Itoobiya ay ka faa’iidi doonto” ku biiridda ururkan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa intii uu ku guda jiray kulan uu la qaatay madaxda Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya, wuxuu yiri, “In Muslimiinta Itoobiya laga dhigo, in ay yihiin muwaadiniin dabaqad labaad ah waa arrin duugoowday.” isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay u aragto dhammaan dadka Itoobiyaanka ah in ay yihiin muwaadiniin leh xuquuq siman. iyo waajibaadka, iyada oon loo eegin diintooda.

Waxa uu sheegay in dowladiisa ay ku sii socoto wadadii dib u habeynta ee dowlad cilmaani ah, iyada oo diimaha oo dhan ay iskugu mid yihiin, isla markaana siinaysa xuquuqdooda,

Waxa uu tilmaamay in dowladiisu ay aqoonsan tahay Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka, isla markaana ogolaatay furitaanka. Bangiyada Islaamiga ah, iyagoo u tixgelinaya in ay tahay “xuquuq ay leeyihiin bulshada Muslimiinta ah ee Itoobiya, mana aha ibuu yiri nay noqoto in loogu mahadceliyo.”

Itoobiya ayaa 1-dii January heshiis la gashay heshiis is af-garad la gashay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland, kaasoo dhigaya in saldhig militari laga kireeyo Itoobiya, halka Itoobiyana ay aqoonsi ugu beddeleyso Somaliland.

Dowladda Soomaaliya oo u aragta Soomaliland qeyb ka mid ah Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska, waxaana ay ku tilmaantay mid aan sharci ahayn, iyadoo u yeertay safiirkeedii Addis Aababa.

Arrintan ayaa sidoo kale xiisad siyaasadeed ka abuurtay Bariga Afrika.

Saxiixa heshiiska is-afgarad ka dib, hoggaamiyasha gobolka iyo wakiillo ka socda ayaa booqasho iyo wada xaajooda ku tagay qaar ka mid ah dalalka gobolka iyo kuwa ka baxsan.

Qaar ka mid ah ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo Jaamacadda Carabtu ka mid tahay ayaa ku baaqay shirar looga hadlayo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Jaamacadda Carabta ayaa isla bishii January ku baaqday shir looga hadlayay khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku saabsanaa arrinta heshiiska.

Wakaaladaha wararka ee dawladda Masar ee Mena iyo Anadolu, ayaa sheegay in ajandaha Jaamacadda Carabta uu yahay mid ku saabsan cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska “sharci darrada ah” ee ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland.

Jaamacadda Carabta ay hore u sheegtay inay ka soo horjeeddo heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ay wada gaareen, isla markaana ay garab istaagi doonaan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Qoraal xilligaas kasoo baxay ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu yiri “ma aqbali doonno” heshiis kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida Soomaaliya.

Kamal Rushdi, oo ah afhayeenka Jaamacadda Carabta, ayaa yidhi, “

Jaamacadda Carabta waxay si buuxda u taageersan tahay qaraarkii kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya ee lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya ee heshiiska is-afgaradka ah ee ay wada gareen Itoobiya iyo Somaliland”.

Related posts

“Dowlada Bay Hogaamisaa Hagranaysa Dadkii Hadhsanaysa Reernimo” Hal Abuur Cabdirasaaq

Abdiaziz Bnnstaff

Dad Ku Dhintay Dagaal Addis Ababa Ku Dhex Maray Booliska Iyo Xubno Ka Tirsan Jabhadda Fano

Abdiaziz Bnnstaff

Ganacsade Jabuutaawi Oo Maamulka Ssc Khaatumo Ku Wareejiyay Garoonka Diyaaradaha Laascaanood

Abdiaziz Bnnstaff